Gudida Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Guurtida oo Soo Jeediyay in Golahoodu uu Iskaashi wada shaqayneed la Yeesho Hay’adaha amaanka {DHAGAYSO}
Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Gudoomiyaha Gudida siyaasada nabadgalayada iyo difaaca Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo Maanta ka hadlay Fadhigii Golaha Guurtida ayaa Mudanayaasha aqalkaasi Waxa uu ka warbixiyay xog waraysiyo ay la yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee qaabilsan ammaanka dalka ,waxaanu intaa ku daray Gudoomiyaha gudidu in ay kulmo la yeesheen wasiirada wasaaradaha arimaha Gudaha iyo dibeda isagoo gabagabadiina sheegay in xaalada ammaan ee dalku ay meel fiican marayso .
Waxaana Gudida Arrimaha Siyaasada Nabadgalayada iyo Difaacu ay soo jeediyaan in kor loo qaado wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hayadaha amaanka iyo golaha guurtida.
Guji halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Xogwarankii Xildhibaanka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GudidaNabadGur20.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com