Madaxweyne Siilaanyo: Macalin Tusaale u Noqday Bulshadiisa {FAALO}
Subaxnimaddii Sabtidii ayuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sii qaatay labadii dhibcood ee u horeeyay ee ka hortaga cudurka dabaysha, ka dib markii sida la soo weriyay qaar ka mid ah dalalka mandaqada lagu arkay kiisas la xidhiidha dadka waaweyn oo uu asiibay xanuunka dabayshu oo markii hore laga talaali jiray carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano. Hase yeeshee doorkan si caam ah looga talaalayo bulsho-weynta Somaliland oo dhan.
Muuqaalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo lagu talaalayo xafiiskiisa ayaa laga baahiyay Telefishanka dawladda, idaacadda Radio Hargeysa guud ahaan qeybaha kala duwan qalabka warbaahinta, taasi waxay noqotay tusaalle togan oo bulshadda u sii jilcinaya ahmiyadda talaalka dabaysha ee lacag la’aanta ah.
Muddo todoba maalmood ah ayuu talaalku ka soconayaa gobolada dalka oo dhan, waxana ka hawl-galaya 1670 kooxood oo ka kooban min laba qof. Rayul caamka bulshada ayaa soo dhaweeyay tallaabadda horseedka ah ee madaxweyne Axmed Siilaanyo uu si ficil iyo qawl-ba ah bulshadiisa ugu dareen siinayo ahmiyada tallaalku ugu fadhiyo dalka. Waxaanay ku tilmaameen inuu qaaday tallaabo ka turjumaysa sida uu doonayo in bulshadiisu ka badbaado xanuunada laga hortagi karo ee halista ah.
Sacad Cabdi Muxumed Xarbi waa mid ka mid ah hawl-wadeenadda ka hawl-galaya tallaalkan gaar ahaan jiida degmadda Maxamuud Haybe ee caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay in labadii dhibcood ee tallaalka dabaysha ahaa ee Madaxweynuhu qaatay ay barako u yeelatay hawl-wadeenadda caafimaadka iyo wacyiga dadweynaha ee la xidhiidhay aragtiyaha ay ka aaminsan yihiin tallaalka.
“Waxaan ka cabsi qabay maadaama oo doorkan dadka waaweyn la talaalayo siday u aamini doonaan, iyadoo ay jireen markii horeba tiro dad ah oo nashuushadayn jiray tallaalka oo ay fikrad khaldan ka qabeen sida ay ugu soo bixi doonaan. Hase yeeshee markii ay Habeenimadii Sabtidii Tv-yada ka daawadeen Madaxweynaha oo laga talaalayo xanuunka dabaysha. Waxay taasi dariiqa u jeexday inay aad u bataan tirada dadka u soo baxay tallaalkii maalintii koowaadba,”ayuu yidhi Sacad.
Hawl-wadeenkan caafimaad waxa kale oo uu sheegay, “Waxaan arkay Hooyooyin badan oo daadihaynaya carruurtoodii, qaarna sinta ku sita oo leh Hooyo Aniga iga hor talaal caruurta, talaalku wuu fiican yahay oo waxaan TV-ga ka daawaday madaxweynihii, Madaxweyne Ku xigeenkii iyo Wasiirradii oo talaalkan qaadanayee.”
“Labadii dhibcood ee Madaxweynuhu qaatay waxay horseedaysaa in dhammaan shacbiga Somaliland oo dhammi ay u soo dareeraan talaalka xanuunka dabaysha. Maalintii koowaad ee olalaha cidhib-tirka dabayshu waxay noo ahayd maalin aad u mashquul badan oo shaqo,”ayuu yidhi Sacad Cabdi Muxumed.
Dadka xataa naqdiya siyaasadda madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilka qaranka hayay muddo sadex sanadood iyo jar-jar ah, ayaa madaxweynaha ku bogaadinaya tallaabadan oo ay ku sheegeen inay hunuunin ugu filan tahay kumanaan kun qof oo reer Somaliland ah oo ay suurto gal tahay inaanay fudaydsan tallaalka dabaysha oo ay u badan tahay inaanay aamineen haddii aanu Madaxweynuhu u baalalayn.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa ka hadlay asbaabaha madaxweynaha ay u siiyeen labadii dhibcood ee tallaalkan ugu horeeyay, waxa uu yidhi “Madaxweynuhu sidiisaba waa macalin ay bulshada in badan oo ka mid ahi wanaaga kaga dayan karaan. Tallaalku markii hore waxa uu ku sinaa caruurta cimrigoodu ka yar yahay shan sanadood, hase yeeshee maadaama oo la yidhi dadkii waaweynaa ayaa la talaalayaa. Waxa dhici karaysay inay bulshadu ka hor timaado oo tidhaado “Ma taas ayaad la timaadeen” oo ay diidaan tallaalkan caafimaadkooda lagu sugayo.”
“Markaa Madaxweynuhu waxa uu noqday tusaale wanaagsan oo bulshadiisa u jiida inaanay iska dayicin fursadan qaaliga ah oo kale,”ayuu yidhi sarkaalkaasi.
Madaxweynaha oo kaliya muu qaadan tallaalkan ee waxa kale oo dhibcaha talaalka iyaguna fagaareyaal lagu siiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno todobaneeye xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirrada oo goob qudha ku qaatay laba dhibcood ee tallaalkan iyadoo qalabka warbaahinta laga baahiyay.
Ololahan caafimaad ee cidhibtirka dabaysha ee lagu caam-yeelay shacbiga Somaliland oo dhan, waxa iska kaashaday wasaarada caafimaadka iyo Hay’adaha WHO iyo UNICEF oo labaduba ka tirsan Hay’adaha qarramadda midoobay, waxaanay Somaliland noqonaysaa dalkii u horeeyay ee Mandaqadda Geeska Afrika ku yaala ee xanuunkan ku waajaha olole baaxadaas leh.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com