Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka Deg Dega ah oo Punt land ay Ugu Deeqday Save The Children
Garowe 20.October 2013 (SDN)- Hay’adda Save the Children ayaa maanta labo gaari oo gurmadka deg-deg ah oo deeq ah ku wareejisay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland.
Madaxa hay’adda Save the Children ee Puntland Maxamed Cabdi Nadiif ayaa sheegay in ay wadaan qorshe adeeg caafimaad lagu gaarsiinayo in ka badan 200 oo kun oo qof oo badankood ku nool deegaannada fog-fog ee aan lahayn adeeg caafimaad.
Wuxuu tilmaamay in gaadiidka ambalaaska ee ay guddoonsiiyeen wasaaradda caafimaadka Puntland ay ka caawin doonto in bukaannada ku nool deegaannada fog si fudud loo keeno isbitaalka waaweyne ee magaalooyinka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in labada gaari lagu wareejin doono maamullada isbitaallada guud ee degmooyinka Qardho iyo Badarbeyla si loogu adeeggo bukannada ku nool deegaannada hoos yimaada degmooyinkaas oo aan helin daryeel caafimaad.
Wuxuu sheegay in ay jirtay baahi weyn oo loo qabay gaadiidkan, isagoo u mahadceliyay hay’adda Save the Children oo gaadiidkan ku deeqday.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com