Shakhsiyaad ku eedaysan Qaraxii Maalintii Shalay ka Dhacay Magaalada Beledweyne oo Xabsiga loo taxaabay & Dhaawicii oo Muqdisho la Geeyay DAAWO
Beledweyne 20.October 2013 (SDN)- Ciidamada ammaanka dowladda federaal-ka ah Soomaaliya ee magaalada Beledweyne ayaa maanta gacanta ku dhigay dad lagu tuhun sanyahay in ay ku lug leeyihiin qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee ay ku dhinteen 16 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale.
Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali Cabdulle ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhowr qof oo la tuhun sanyahay ay soo qabteen kuwaasoo baaritaanno ku socdaan.
Guddoomiye ku xigeenka ammaanka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Tusbaxle ayaa sheegay in maamulka gobolka uu dardar gelin doono ammaanka, kuna booriyay dadweynaha in ay si caadi ah u wataan hawlahooda.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in amniga lagu sugi karo wadashayn dhexmarta laammaha ammaanka iyo shacabka
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Geesta kale Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa maanta la keenay magaalada Muqdisho, kadib diyaarad ay u dirtay dowladda Soomaaliya.
Dhaawacyadan oo gaarayay ilaa 14-ruux ayaa waxay yihiin kuwo dhaawacooda aad u liita, waxaana laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho
Isbitaalka Ciidamada AMISOM ee ku yaala Xerada Xalane ayaa la dhigay dhaawacyada, halkaasoo lagu daweyn doono.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo beryahan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la socday diyaarada dowladda u dirtay Beledweyn, kana soo qaaday dhaawacyada.
Saddex ka mid ah dhaawacyada ayaa la sheegay inay xalay iyo saakay ku dhinteen Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti, iyadoo tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ay ka dhigtay ilaa 17-ruux.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay hey’adaha dowladda inay u gurmadaan dadka ku dhaawacmay qaraxii Beledweyn, si deg deg wax loogu qabto.
Qaraxii Ismiidaaminta ee shalay ka dhacay Beledweyn ayaa ahaa kii labaad oo magaalada ka dhaca tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray.
Beledweyne SDN.
Qurbejoog.com