Wasaarada Maaliyada ee Somaliland oo Bilawday Hawlgal ku Wajahan Cashuur ururinta Wadooyinka
Hargaysa 20.October 2013 (SDN)- Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiidi [Caddaani] ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay in la bilaabay olalaha cashuur ururinta wadooyinka dalka.
Wasiiu dawlaha wasaarada maaliyadda Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiidi [Caddaani] oo warbaahinta kula hadlaayay xarunta wasaarada maaliyadda ayaa sheegay in olaluhu maanta oo a ay bishu tahay 20 si rasmiya u bilaabmay , isla markaana uu soconayo 15 maaalmood, waxaaanu intaa ku daray in cashuurta loo simanyahay haday tahay wasiir ilaa shaqaale dawladeed sidaa darteed qof kasta ooay ku waajibto looga baahan yahay in uu si toos ah u bixiyo.
Wasiiru dawluhu waxa uu sheegay in sinaantaa looga gol leeyahay in kor loo qaado cashuurta dakhliga cashuuraha beriga , intaasi ka dib wasiiru dawlaha oo ay wehiliyaan agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo agaasime waaxeedyada wasaarada ayaa kor meer kusoo maray xarumaha kala duwan ee ay ka socoto cashuur ururrinta wadooyinku.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com