|

Guddidii Maqaar-saarka Ahayd ee Madaxweynuhu u Magacaabay Tahriibka Oo Nuurigoodii La Waayay Iyo Kumanaan Dhallinyaro ah Oo Loo La’yahay Gaadiid Lagaga Soo Celiyo Xuduudda Wajaale Oo Lagu Qabqabtay

Hargeysa:20-Oct-2013(SDN)-Iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa ay Da’yarta iyo Ubaxa mutacalimiinta ahi si xawli ah uga dhuunyaalayaan Waddanka Somaliland, ayaa waxa aan meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la haynin Guddidii uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay La Dagaalanka Tahriibta iyo shaqo Abuurista.

shaqo abuurka  Da’yarta ayaa sida laga warqabo waxa socdaalkooda koowaad ee ay dalka kaga baxayaan intooda badani ku sii maraan xuduudda ku dhereran Deegaanka Wajaale ee aynu la wadaango waddanka Ethiopia. Ciidanka Booliska oo kaashanaya laanta Socdaalka ee Magaalada   Togwajaale, ayaa iyagu si xawli ah isku hawla inay dagaal la galaan oo soo celiyaan dhallinta waddanka ka sii socota, waxana soo celiyeen in badan oo darxumo iyo gaajo ugu dhiman lahayd saxaraha iyo badaha ka horreeya.

Tallaabada Laanta socdaalka iyo ciidanka Boliska oo iskaashanayaa qaadeen ayaa markii hore noqotay mid si aad ah loogu riyaaqay, waxase xagal daaciyey, islamarkaana Dedaalkoodii Hal Bacaad lagu lisay ka dhigay Guddidii la dagaalanka Tahriibta oo lagala quustay inay kaliya bixiyaan Shidaalka Baabuurta Hargeysa lagu soo gaadhsiinayo dhallinyarada waddanka dib loogu soo celinyo. Guddidan oo ka kooban koox wasiirro ah iyo hogganada kala duwan ee ciidamada Somaliland, ayaa iyagu  tan iyo markii la magacaabay aan wax tallaabo ah oo la xidhiidha arrintii loo igmaday aan qaadin, waxana ay ku egyihiin shaqooyinkooda gaarka ah ee ay xukuumadda u hayaan.

Sidoo kale wali lama sheegin wax shir ah oo Guddidani iskugu timi oo ay ka soo baxday natiijo la mahadiyo oo keeni karta yididiilo dhallinta dalkooda ku sii hayn karta. Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dhammaantood xubno ka ah Guddidan, ayaan Hal tallaabo qaadin, waxana ay taasi sii dhiirigelisay tahriibkii iyo suudalkii da’yartu ku jirtey, waxana la waayey wax lagu niyadsamaankaro oo ay Guddidani ku soo kordhin karto xaaladdii cakirnayd iyo rajo xumadii markii horeba Da’yarta indhahoodu qabanayeen.

Hawlgallada kala duwan ee ay sameeyaan Laanta socdaalka ee Magaalada Togwajaale, ayaa lagu soo qabqabtaa Boqolaal da’yar ah oo Somaliland u dhashay kuwaas oo si khasab ah Hargeysa dib loogu soo celiyo, waxase arrintaas xagal daac ku noqday kharash iyo taakulo la’aan qabsatay Laanta Socdaalka ee Magaalada Togwajaale, waxana ay waayeen Gawaadhi iyo dadkaas ku soo guraan si Hargeysa loo keeno intaa ka dibna loogu wareejiyo Ehelladii iyo waalidiintii ay ka soo jeedeen. Laanta Socdaalka ee Togwajaale ayaa markasta oo ay dad tahriibaya soo qabataba waxa la soo xidhiidhaa Guddidan Tahriibta loo magacaabay, waxana ay waydiiyaan inay soo bixiyaan kharashkii dadkan lagu soo celin lahaa, balse Guddidani way ka dhego adaygtay inay walow Hal Gaadhina ha ahaatee Bixiyaan wax suurtogelinaysa in dhallinyaradaas lasoo celiyo.

Inta badan Kharashka lagu soo celiyo dadka sii tahriibaya ee laga soo qabto deegaanka wajaale waxa la butuqlasada oo tuurta u rita Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf, maadaama uu ka quustay Wasiirrada madaxweynuhu u igmaday inay abuuraan jawi dhallinta dalkooda ku sii hayn kara oo yididiilo leh.

 

Maalintii shalay oo xarunta Laanta Socdaalka ee Hargeya la keenay in ka badan 36-tahriibe oo laga soo qabtay Aagga Togwajaale, ayaa Taliyuhu waxa uu la caddilmay  oo ku adkaatay inuu Bixiyo shidaalka Gaadhigii dadkaas magaalada soo gaadhsiiyey, waxana ay saxaafaddu indhahooda ku aragtay Taliyaha iyo Wadihii Baabuurka oo in badan ku murmaya inuu bixiyo shidaalkii la isticmaalay, iyadoo ciidankii dadkaas wadayna loo waayey kharaadkii ay u baahnaayeen, maadaama ay qabteen shaqo qaranku si aad ah ugu baahan yahay.

Madaxa Laanta socdaalka Somaliland ayaa isagu si muuqata uga cawday kharash la’aanta haysatay iyo waliba dhibaatada dadka sii tahriibaya oo uu isagu ku keliyeystay, waxana uu sheegayey inay Guddidii madaxweynuhu arrintan u xilsaaray ay arrinta kaga baxeen oo danahooda ku foofeen. Sidoo kale taliyaha ayaa Noo sheegay inay arrintani maalin walba haysato oo in badan uu jeebkiisa ka bixiyey shidaalka iyo sharakhka ciidanka dadkan magaalada dib ugu soo celiyaa u baahan yihiin,taas oo caqabad weyn ku ah Hannaanka la doonayo in lagu yareeyo da’yarta waddanka ka baxaysa oo si weyn kor ugu sii kacaysa.

 

Dhaqankan ay Guddida La Dagaalanka Tahriibtu qaadeen ee ay indhaha kaga qarsanayaan Da’yarta waddanka ka qulqulaysa iyo qorshe la’aanta xukuumadda ayaa sii xoojinaysa inay bataan dadka niyad jabka iyo rajo-xumada la suudalayaa, waxana Guud ahaanba meesha ka baxaysa Hawshii loo igmaday Guddidan ee ahayd inay dhallinta u diyaariyaan Hab iyo hannaan shaqo abuur oo lagu dabbaali karo.

 

Sidoo kale Guddidan u badan wasiirrada ayaa mar walba sheega inay wax u soo wadaan Dhallinta, balse wali lama hayo Hal shaqo oo ay cid geeyeen amaba Hal qof oo ka qaybqaateen in waddanka dib loogu soo celiyo. Wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maalintii shalay soo gaadhay Goob lagu sii daynayey 36-tahriibe oo laanta Socdaalka Somaliland ka soo qabatay Magaalada Togwajaale iyagoo sii socda, ayaa halkaas ka jeediyey Hadal jees jeed iyo ku digasho u badan, waxana ay da’yartii la soo qabqabtay ee xoogga lagu soo celiyey u sheegeen in waddanka shaqooyin ka buuxaan oo ay kibir iyo yurub-jacayl ku baxayaan, taas oo meel ka dhac iyo gef ku ahayd dadkii la doonayey in loo sheego waxa loo hayo ee dalka loogu sii hayn karo, maadaama ay rajo xumo iyo shaqo la’aan u dhaqaaqayaan.

Ilaa iyo haatan ma muuqato wax rajo ah oo Guddidan soo wadaan iyagoo dadka badankiisuna u arkaan kaliya magacaabistooda arrin dadka lagu mashquulinayo, lama hayo wax yididiilo ah oo ay ku joojin karaan dadka waddanka ka niyadjabay ee beegsanaya Yurub iyo meelo ka shisheeya.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed