|

Tahriibayaashii Ugu Badnaa Oo Maalintii Shalay Dalka Dib Loogu Soo Celiyey iyo Masuuliyiin Waanooyin u Akhriyey

Hargeysa:20-Oct-20113(SDN)-Laanta Socdaalka ee Somaliland, ayaa gacanta ku soo dhigtay

Tahriibeyaashii ugu badnaa oo tiradoodu gaadhayso in ka badan Soddon qof oo u dhashay Dalalka Soomaaliya  iyo Somaliland.

taydaTahriibeyaashan oo ay Ciidamada Laanta Socdaalku sheegeen inay ka soo qabteen Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, halka ay qaar ka mid ahna u soo gacan geliyeen Ciidamada Itoobiya oo ka soo qabtay Xadka udhexeeya Itoobiya iyo Suudaan.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf Cali oo ka hadlay markii ay ku wareejinayeen Tahriibeyaashaasi Guddida Tahriibka uu Madaxzweynuhu Magacaabay, ayaa waxa uu sheegay in hawl galkan ay ku soo qabteen tahriibeyaashani uu ka mid yahay shaqadooda oo ay mar kasta sameeyaan, waxaanuu yidhi “ Waa Hawl galkayaga caadiga ah inaanu soo qabano tahriibeyaasha iyo wax allaale iyo wixii amni darrada ku saabsan ee xuduuda ka gudbaya ama soo gelaya, dadkani hadda waa dad laga soo celiyey Itoobiya oo Tahriibeyaal ah oo dhibaatooyin badan soo mutay, waana dhalinyarada dhiigbaxa ah ee sii socota ee doonaysa inay tahriibaan ee badda ku madhanaya,  waxa jira qaar aanu sii daynay oo dib u tahriibay, waana lix iyo sodon 36 qof oo dhalinyaro ah, waxaana qorshaha noogu jira inaanu tallaabo ka qaadno iyaga iyo kuwa mukhallasiinta ahba, waxanan leeyahay dhalinyarada reer Somaliland ka waantooba”

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarad iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo

isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi “Waa wax aad iyo aad

looga noxo, dhalinyardii waddaanka in laga soo qab qabto iyaga oo

doonaya iyaga oo doonaya inay badda galaan, waana mid dhibaato ah, waa

arrin ayaan darro iyo nasiib darro ah, waana tallaabo ka mid ah

tallaabooyinkii ay xukuumaddu qaaday magacaabidda giddida tahriibku,

ujeedaduna waxa weeyaan dhalinyaradaas badda ku dhimanaysa ee

boqolaalka ah in la badbaadiyo, mana ah xumaan looga jeedo, waxa la

doonayaan in la badbaadiyo oo aan laga nixin, iyaga oo ah jiilka la

bedelayo, waa nasiib darro oo waa wax aad looga xunyahay, in sidii

xoolihii gaadh laga hayo oo ay badaha ku daadanayaan, waxaan idinkala

dardaarmayaa inaad tahriibka iska daysaan, waxaan diin sheegayaa

waddankeena shaqooyin badan ayaa ku soo foolleh oo shaqo ayaa la

samayn doonaa”

Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada Somaliland

Maxamuud Axmed Barre Garaad oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi “Waxa aad timaadeen dhulkiinii, dhulka aad tagayseen ma aha dhulkiinii, waxa weeyaan inaad dhulkiina aamintaan oo aad iska daysaan doonyaha aad badaha ku halligmaysaan, waxaana la keenay badaha talyaaniga Ciidamo oo wax ka tahriibi karaa majiraan, dadkuna wuu shaqaystaa  aduunka, waxaan leeyahay waddankiina aamina, waxa aad ahaydeen niman is qar qarinaya oo dhuumanaya oo laaluush siinaya dad kale, dadkiina iyo dadkiina aamina oo hadda dhulka waalidkiin noo iibiya dhaha oo ku shaqasta,  waanu haynaa sidii looga bixilahaa tahriibka oo muddo afar bilood ah ayaan shir u fadhinay, wixii aanu idiin qaban karno waanu diin qabanaynaa”

Khaalid Axmed Habane oo ka mid ah Tahriibeyaasha laga soo qabtay Xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan oo ay Saxaafaddu wax ka qaydiisay sababta uu u tahriibay, ayaa waxa uu yidhi “Ta ugu wayni waxa weeyaan Camal la’aanta, Waddankan aynu ku noolnahay ee Somaliland-na runtii waa waddaan ay dhalinyartu aad ugu baaba’day,  marka la eego shaqada iyo qaxyaabaha kale , Wasiirka shaqadu hadda waxa uu lahaa cidii wax baratay shaqo waa la siinayaa, maanta haddaan u baahdana Xafiiskiisa ka helimaayo,  markaa 2004 ayaa ka baxay dugsi sare illaa wakhtigaasna bilaa camal ayaan ahaa, markaa taas ayaa igu kalliftay inaan waddanka iskaga tahriibo”

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed