Barashada Qaybaha Diirta,Qalinkii: Amiin Khadar
Mujaahidka wayn, ahna aqoon yahan in-dheer garad ah ayaa mudo aan dhawayn ka digay qorshayaal dhalin kara aafo aanu waddanku ka soo waaqsan.In kasta oo ay yarayd dadka inta garan karaysay saadaalaha mujaahidka, waxa uu Cali Guray isku dayay inuu tilmaamo waxa qayladhaantiisu daaran tahay waxanu yidhi; ‘Waar dad aan la garanayn, meel aan la garanayn, si aan lagaranayn qorshe aan la garanayn………’ Aqoon yahanku isaga oo sii wata baadhitaanka cuddurkan ayuu bishan horaanteedii u magac bixiyay aafadan waxaanu ugu yeedhay Diir,
Hadaba, anagoo la tashanayna aqoon yahano kale waxaaanu jecelnahay in aan dadka waxa ka barno qaybaha Diirta. Waxaynu maqaalkan ku soo bandhigi doonaa mudnaanta ay diirtu kala leedahay, shaqooyinka ay kala qaabilsantahay iwm.
Iynu ku horayno su’aasha ah; Diirtu ma qof baa, ma qays baa, ma qolaa? Jawaabtu waa maya. Diirtu waa Dulin ka dhasha dunuubta iyo xumaanaha la caadaysto ee dad yeeshaan. Abaan duulaha diirtu marka hore waxa u ka dhashaa beel magac qabiil huwan waxana dhacda in magarato badani ay cay iyo ceeb kula dul kufto beeshii darmadeeda Diirta Eebe ka uumay. Fal celiska arrintaasi wuxuu noqdaa in dad tiro badan oo aan Diirta, Mabda’ la qabin, oo aan manfac ku qabin, oo aan magaalo la joogini ay budka soo qaataan si ay u difaacaan Diirtan ay magaca la wadaagaan. Waxaanu dadka xasuusinaynaa qisadii nabiyada (csw) Nuux iyo Ibraahim.
Diirtu waxay u qaybsantaa shan qaybood oo muhiim ah, iyo qayb lixaad oon aan si rasmi ah aan Diirta uga mid ahayn, balse mar mar la bahoowda.
1) Madaxa ama Qasriga
2) Illaalada
3) Tiknikada
4) Maxaabiis
5) Contractors ama Qandaraasleyaal
—————————————————-
6) Bisaas ama pay as you go
—————————————————–
1) Aynu ku horayno qaybta koowaad Madaxa ama Qasriga; Xubintani waa qaybta ugu muhiimsan ee Diirta, waa ta qorshaysa falalka, ku hagta bartimaameedka, dheecaankana muudsata. Hagayaasha xubintan waxa ugu muhiimsan Cawjada (Hirsi), waxa kale oo ka mida Moorgan iyo Mr & Mrs Siiraanyo. Si loo saxo hanaan socodka Diirta, waxa lagamamaarmaan noqotay in shaqaalaha xubintan laga soo qorto dagmo kaliya.
2) Illaalado waa qaybta ugu firfircoon waana baalasha ay Diirtu ku duusho. Illaalada waxa la siiyaa quud joogta ah. Illaalada shaqaaleheedu waxay ka soo kala jeedaan dagmooyinka wadanka oo dhan. Shakhsi kasta oo illaalada ka mid ahi waxa u qaabilsan yahay dhaqdhaqaaqyada degaanka uu ka soo jeedo. Waxa uu u tababaran yahay in u qudha ka gooyo cid kasta oo isku dayda inay Diirta wax ka sheegto. Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa Nacnac, Waabeeye, Cukuse; Cali Mareexaan, Baashaha parlamanka, Cadaani, Abgaal, Shabeel, Dhuxul, Sayidka,Cali Yuusuf (G/ku/labaad ee Golaha Wakiilada iyo qaar kaloo badan.
3) Tignikadu waxay u badan tahay odoyo iyo caaqilo dad da’doodu ay ka sarayso lixdan. Af-soomali ahaan Tiknikada waxaynu ku fasili karnaa qalab ama saabaan sidaa darteedna hadba ninkii haysta ayaa manaafacaadsada. Qalabkan waxa ka mid ah qaar lagala hadhay gumaystihii, intii dowladood ee u kala dambeeyay Somaliya iyo Somalilandba midiba markeeda soo isticmaashay aakhirkiina laga qabsaday dowladii Riyaale. Xubnaha Tiknikada waxa ugu da’ wayn uguna caansan Cabdi Waraabe, waxa kale oo aan ka dhicin Waran cade oo dhawaan inoo cadeeyay in u mucaaridkii joogi kari waayay. Waxa xasuus mudan Tiknikadu in aanay ka socon lugaha balse ay ka dhaqaaqaan caloosh Xubnahani waa kuwii dagaalka ugu wayn la galijirey xisbigan talada haya markuu mucaaridka ahaa markaa hada waxay ugu shaqeysteen sidii iyaga loogu isticmaalaayey.
4) Maxaabiista sida magacooda ka muuqata waa niman aan xorriyad haysan, waxaanay ku kala xidhan yihiin Jeelka wayn ee Kulmiye iyo xabsi ku dhex yaala golaha fulinta. Maxaabiistani had iyo jeer waxay la saftaan Madaxa Diirta. Tusaale ahaan hadaynu dhowr maxbuus u soo qaadano waxa ka mida; Maxbuuska caanka ah ee dalka oo dhan laga yaqaano ee Muuse Biixi– waa Mandelaha Somaliland. Waxa kale oo isna xidhan Maxamed Kaahin, nasiib daro Mohamed isuma haysto inuu xidhan yahay, sababtana waxa loo badinayaa inay tahay; Mar hadii adeerkii xidhay isaga waa u xajkii iyo isaga oo qolka ka ah Diraysmadoobe waxay ka mid tahay ayaan darooyinka ina haysta. Wax kale oo aynu maxaabiista ka xasuusan karnaa Ina Ahmed Caydiid, Ina Xaabsade.
5) Contractors ama Qandaraaslayaal, Xubintani waa xubin aan caloosha ka socon ee caqligu hago. Waa xubin taqaana waxa ay ku jirtaa wuxu yahay. waa xubin ka karaamo badan saddexda xubnood ee kala ah Illaalada, Tiknikada, iyo Maxaabiista. Xubintani waxay heshiis la gashay Madaxa Diirta, heshiiskaas oo u qornaa sidan; ‘Ii xoq aan kuu xoqee ama ‘Qaatee Qaado’. Xubnaha unugani wuxuu u qaybsamaa laba; Ganacsato iyo Siyaasiyiin. Xubnahaa waxa ka mida kalidii danaystaha Cabdiraxman Cirro, Xagla Toosiye, Ina Aw Siciid, mulkiilaha HCTV, mulkiilaha Hotel Maansoor iyo Dahabshiil.
6) Bisaasku macna badan inoogama baahna sida magacooda ku cadna waa niman qaata maalin dagaal lacag gaadhaysa soona fuliya qorshayaal ku wajahan meelo ama shakhsiyaad cayiman, marka ay howshaasi dhamaatana dib ugu noqda bulshadii. Bisaasku waxay daadsan yihiin Lawyacado ilaa Ceelaayo, Marka bissad looga baahdo in la howl galiyo shuruudaha looga baahan yahay inay bissadaasi soo buuxisaa waa afar; a) Waa in ay ka soo jeedaa beesha, jifada, degmada ama shakhsiga la abaarayo. b) Waa in ay tahay bissad tuuryo dheer oo indhaha wax kala soo bixi karta. t) Waa inay ahaataa bissad aan xishoon oo odhan karta wixii loo dhiibo. j) Waa in iimaanku naaqus yahay oo shillimaadku la wayn yihiin.
Hadii aan tusaale idin ka siiyo bissaaska, waxan ka soo qaadan karnaa ninkii sheegtay inuu yahay caaqilka jifada mujaahid Dhagawayne. Ninkaasi wuxu ahaa ninkii meel isugu keenay sharaftii caaqilnimo iyo Hooyo caay. Waa ninka ilaa hada la iswaydiinayo haduu ka xishoon waayay aayadii waxa uu ku maagay qabiilo dhan oo aan xumaan ka galabsan. Waa ninka quudku ka galay laba nin oo aan wakhti iyo isku da’ toona aan ahayn. waa caaqilka la guryo noqday ceeb iyo godob balse aan waxba maanta ka hayn yoomiyii u maalintaa qaatay.
Xubbintani waxay magaca bissad ku qaadata waa ficilada ay la wadaagaan xawayaanka bissada. Bissadu waa xawayaanada tirada yar ee dhasheeda cunta Bisadahani waxay uhowl galaan kali kali marna koox koox Tusaale( wakhtiyada lawada howl galiyey waxa ka mida markii lagu dhawaaqey Golaha wada tashiga oo ilaa ceelaayo ilaa lowyacado markaliya laga dhaqaajey)
Qalinkii :Amiin Khadar
Salaamu calaykum.