Xisbiyada Mucaaridka ah oo Qaadacay Wada Shaqayn Dhex Marta Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada ee Dhawaan Madaxweynuhu Mudada u Kordhiyay
Hargaysa 19.October 2013 (SDN)- Labada xisbi Mucaarad ee Waddani iyo Ucid ayaa Maanta shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen waxay ku sheegeen inaanay la la shaqayn doonin Guddida diwaan galinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka oo dhawaan Madaxwayne silaanyo mudada u kordhiyay.
Gudoomiye xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay Aqoonsanayn Gudidaasi, waxa uu sheegay in gudidaasi tahay mid aan wax hawl ah oo muuqata qaban intii ay jirtay. Waxa uu sheegay in Kharashka ku baxaa yahay Mid aan loo baahnayn.
“ Guddidan Kharash badan baa ku baxay Runtii oo aanu Qarankani qaadi karayn.Maalin Saddex-da Xisbi ay ku dhawaaqeen oo dee Komishanku dhameeyaye ay Magac-yada uun Xaadiriyeen waa wax qabad ay Qabteen, Maalin Liis ay soo Reebeen Afar Urur oo ka mid ahaa 15-kii Urur-na Sax iyo khalad wuxuu doono ha ahaadee ilaa maalintii lagu dhawaaqay wax ay qabteen intaas ayaa jirta. Ilaa maalintii Natiijada ay ku dhawaaqeen kharashka ku baxaa waa mid aan loo baahnayn.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.
Gudoomiye xigeenka Saddexaad ee WADDANI Xasan Xuseen Cod yare oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id oo Xarunta Xisbiga UCID ee Hargeysa lagu qabtay ayaa sheegay inaanay jirin Baahi loo qabo Gudidaasi isagoo sheegay in Golaha wakiiladuna Miisaaniyadda 2014 ka saareen sidaasi darteedna loo hayn kharash.
“ Hay’addihii wakhtigu ka dhamaaday ee Miisaaniyadda 2014-ka lagu soo daray, Baarlamanku wuxuu yidhi Hay’adda wakhtigu wuu ka dhamaaday Miisaaniyaddoodiina waa laga saaray, Nimankaana wakhtigu waa ka dhamaaday oo Suuqay iska joogeen Xafiiskuna waa ka xidhmay waxakaliya ee hadhsanaa xil-wareejintii iyo inay macluumaadka u soo gudbiyaan Gudida Komishanka oo sharcigu dhigayo in marka Xilku ka dhamaado ay Hantida qaranka ee Gaadiidku ka mid yahay ee Dhokumantigu ka mid yahay ay gudida doorashooyinka ku wareejiyaan.
Madaxwayne Silaanyo ayaa dhawaan Gudida Diwaan galinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka mudo labba sano ah u kordhiyay, wakhti yar ka dibmarkii Golaha wakiiladu miisaaniyadda ka saareen Dhaqaalihii hay’addaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com