Xuska Maalinta Cunada Adduunka oo Hargaysa lagu Qabtay iyo Wasiiro ka Qayb galay
Hargaysa 19.October 2013 (SDN)- Maalinta cuntada adduunka oo ku beegnayd maanta oo taariikhdu ahayd 19 bisha Oct ayaa maanta si weyn looga xusay guud ahaan JSL.
Munaasabad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha madaxa hay’adda FAO ee Somaliland iyo mas’uuliyiin kale laguna xusayey maalinta cuntada adduunka ayaa maanta lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada hargaysa.
Wasiirka wasaaradda Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole oo munaasabada maanta ka hadlay ayaa sheegay in Cuntadu ay tahay shayga sadexaad ee nolosha isla markaana biyaha iyo hawada oo keliya ahi ay ka horeeyaan, beeruhuna ay yihiin halka ay cuntadu ka timaaddo,
Proff geedeeye waxa uu sheegay in burbur ku dhacay hanaankii cunto soo saar ee dalka loona baahan yahay in biyaha soconaya ee daadka ah la xidho oo la joojiyo si cunto loogu soo saaro, waxana uu ka codsaday hay’adaha caalamiga ahi inay gacan ka gaystaan mashaariicda biyo xidhka ee loo baahan yahay.
Dr Sacad Cali Shire Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta oo hadal ka jeediyey munaasabadda xuska maalinta cuntada adduunka ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda cunto ee dalkan JSL waxana uu sheegay in sanadkii 2012 ay Somaliland dibadda ka soo iibsatay in ka badan shan boqol iyo Todobaatan kun oo Ton oo cunto ah, halka ay Somaliland sandkii 2010 gudaha ka soo saartay 48 kun oo TON oo cunto ah, waxana uu wasiirku arrin laga xumaado ku tilmaamay farqiga u dhexeeya cuntada dibada laga keenayo iyo ta dalka gudihiisa laga soo saaro.
Dr sacad Cali shire waxa uu sheegay in marka laga reebo Caanaha, Hilibka iyo Khudradda ay cuntada kale ee Somaliland u baahan tahay 92% laga keeno dibadda, qiyaastaasina ay tahay mid aanay Somaliland isku hallayn Karin mustaqbalka dheer.
Munaasabadaas waxaa kaloo ka hadashay wasiirka wasaarada Deegaanka, Marwo Shukri Xaaji Boondare oo iyana ka hadashay isku xidhnaanshaha u dhexeeya wax soo saarka gudaha iyo ilaalinta bii’adda deegaanka.
Dr Cabdi Aw daahir wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ayaa isaga oo ka hadlaya munaasabadda lagu xusayey maalinta cuntada adduunka waxa uu sheegay in ahmiyadda biyuhu u leeyihiin aadamaha ay tahay mid weyn isla markaana xoolaha nool ee Somaliland ay kaalin muuqata kaga jiraan cuntada gudaha laga soo saaro sida caanaha iyo hilibka, wasaarad ahaana ay sameeyeen siyaasad cad oo ku taxaluqda cuntada iyo xoolaha Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Biyaha Md Xuseen Axmed cabdallah iyo Madaxa hay’adda FAO ee Somaliland Maxamed jaamac gahaydh ayaa iyaguna madashaas ka jeediyey warbixino ay kaga hadlayaan sida wax looga bedeli karo kordhinta cuntada dalka gudihiisa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com