|

Lacago loogu deeqay Wadanka Somalia oo Wax lagaga qabanayo adeegyada Horumarinta

Washington 19.October 2013 (SDN)- Maalyiin doolar ayeey ugu deeqeen dowladda Soomaaliya dowladdaha Mareykanka, Norway iyo Denmark, si markaa wax loogu qabto arrimaha hormarineed ee ka socda dalka.

wasiirka-maaliyadaMax’uud Xassan Suleymaan wasiirrka maaliyada ee xukuumada Soomaaliya  oo warbaahinta kula hadllayay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Norway ay Soomaaliya u ballan-qaadday 30 milyan oo doollar, halka Mareykanka uu ku yaboohay 8 milyan oo doollar, Denmark-na ay ku deeqday $3.5 milyan.

Magaalada Burssels ayuu sheegay in uu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda lacagta adduunka iyo dalalka Soomaaliya deymaha ku leh, kuwaas oo uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga saamixi lahaa deymaha.

Dhinaca kale,  guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar ayaa sheegtay in Bankiga aduunka ay kala hadashay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo caawin lahaa xawaaladaha Soomaalida ee dibadaha oo dhanka wada shaqeynta ay culeysyo ka heystaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamtay in xawaaladaha Soomaalida laga doonayo in ay la shaqeeyaan Bankiga Dhexe, si loo horumariyo adeegyada dhaqaale ee Soomaaliya.

Washington SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed