Ciidamada Liyu Booliska Oo Nin Xoolo Dhaqato ah Qudha Kaga Jaray Deegaanka Ballicabane iyo Xukuumadda Oo Safaf dhaadheer ugu jirta Casuumadda Koox Wasiirro ah oo Kililka 5-aad Ka Socda
Balli-cabbane:19-Oct-2013(SDN)-Ciidamo Liyuu Booliis ah ayaa Galabnimadii shalay Nin Xoolo-dhaqato ah Ku dilay Deegaanka Balli-cabane Oo Ku yaalla Dhinaca Koonfureed ee Xuduudda Gobolka M/Jeex la wadaago Deegaanka Ethiopia.
Marxuumkan ku baxay Gacanta Ciidanka Liyuu Booliska ayaa magaciisa Lagu sheegay Aadan yuusuf (Qodhob), waxana uu ahaa muwaadin u dhashay Somaliland oo xoolo dhaqato ahaa.
Warkan oo saxaafaddu ka heshay saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in Liyuu Boolisku dhex yimaadeen magaaladda Balli-cabane isla markaana Marxuumkaas oo ay magaciisa siteen ay waydiiyeen Dadkii Goobta Joogay, markii loogu yeedhayna ay isla goobtii Baas ku mariyeen.
Saraakiil ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in ciidankii Liyuu Boolisku ay Marxuumka markii ay dileen maydkiisa hore ka sii qaateen, waxana ay saraakiishani ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan sababta keentay in ciidanku adyadda intaas le’eg ka geystaan deegaankaas oo lagu yaqaanay xasilooni dheeraad ah.
Dad ku dhaw goobta ninkan lagu dilay oo aanu la xidhiidhnay, ayaa noo sheegay in dhacdadaasi ay dhacday, waxana ay noo xaqiijiyeen in marxuumka dhintay uu ahaa nin xoolo-raacato ah oo aan ku lug lahayn wax siyaasad ah, islamarkaana aanay ka war haynin wax Godob ah oo uu hore uga galay xukuumadda Ethiopia ee ciidankeedu dileen.
Dilkan ayaa ku soo beegmay Xilli ay xukuumadda Somaliland Caasimadda Hargeysa safaf ugaga jirto casuumado loo samaynayo Wafti Kasoo jeeda deegaanka Kililka shanaad ee Ethiopia oo in muddo ahba ku sugnaa dalka, walina xukuumaddu ma ay muujinin wax tallaabo ah oo ay ku raacdaynayso sababta keentay in muwaadinkaas si badheedh ah xoolihiisa dhexdooda loogu dilo.
Dadka reer Somaliland ee Degga Deegaanada ku dhaw Xuduudda Somaliland iyo Ethiopia u dhaxaysa, ayaa khaati ka taagan dibin-daabyooyin isdaba joog ah oo kaga timaadda ciidanka Liyuu Booliska, waxana in badan arrintaas cabashadeeda loo Gudbiyey xukuumadda Federalka ah balse waxba ala kama tarin, walina waxa halkeedii ka sii socota Dilkii, dhacii iyo dhibaatayntii kale ee ciidanka Liyuu Boolisku ku hayeen shacabka Xoolo-dhaqatada ah ee deeganaadaas ku dhaqan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com