Madaxweynaha Koonfur Africa oo ka hadlay farogelinta Mareykanka ee Africa
Pretoria Oct 19,2013(SDN)-Madadweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa wareysi uu siiyay jariirad ka soo baxda dalka France oo la yidhaahdo news24 Wada uu uga waramay faro gelinta Mareykanka iyo reer galbeedka ee qaarada Afriika.
“Inagoo qaarada joogna ma aha in mar walba naloo gacan dhaafo mashaakilaadka Africa ka jira”ayuu yiri Zuma.
Zuma Waxa uu marka hore canbaareeyay faro gelintii reer Galbeedka ee Libya oo uu Ku tilmaamay faashil.
“NATO waxa ay ka tilaabsatay Wada hadaladii Libya ee xalka,waxaaney dileen Qadaafi,iminkana dalkaas waxa ka taliya kooxo Islaamiyiin ah oo san cidna ka Amar qaadan”ayuu yiri Zuma
Madaxweynaha Koonfur Africa Jacob Zuma ayaa waxa uu canbaareeyay weerarkii ciidamada Mareykanku Ku qaadeen dhawaan Soomaaliya iyo Libya iyaga oo bartilmaansanaya xagjiriin.
Waxaanu sheegay in ay haboontahay in Africa lagala tashto mashaakiilaadkeeda inta aan ficil la qaadin.
Madaxweyne Zuma Wada uu soo dhaweeyay tilaabadii ay dalka France Ku caawisay dalka Mali,oo uuusheegay in lagala tashaday.
SDN-Pretoria