Tababar ku Wajahan hub ka dhigis iyo dhaqan-celinta Maleeshiyaadka oo Wadamada Bariga Africa loogu soo xidhay Nairobi
Nairobi 18.October 2013 (SDN)- Saraakiil ka kala socotay dalalka Bariga Afrika ayaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya loogu soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa sida hub ka dhigis iyo dhaqan-celin loogu sameyn karo maleeshiyada hubeysan.
Tababarka oo socday muddo saddex toddobaad ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ay tiradoodu gaaraysay 18 xubnood oo ka kala socday wasaaradaha gaashaandhigga ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Uganda, Sudan, Burundi, Comoros iyo Rwanda.
Dowladda Kenya ayaa martigelisay tababarka oo ay qabsoomiddiisa ka caawisay hay’adda UNDP-Japan oo kaashanaysay hay’adda East African Standby Force Co-ordination Mechanism (EASFCOM) iyo xarunta International Peace Support Training Center IIPTSC).
Saraakiishu waxay isdhaafsadeen waaya-aragnimada ay u leeyihiin hub ka dhigista, dhaqan-celinta iyo in dib bulshada loogu soo daro maleeshiyooyinka hubeysan.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya madasha ku soo bandhigtay sida loo maareeyo maleeshiyooyinka ka soo baxsada Al-Shabaab loona dhaqan-celiyo.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com