Ugaanda Oo Heshay Digniino Ka Dhan ah Al-shabaab iyo Shacabkeeda Oo Baqdin La Seexan La’
Kampala:18-2013(SDN)-Dawladda Waddanka Uganda oo Ciidamo badani haatan ka joogaan soomaaliya ayaa heshay digniino hor leh oo sheegaya in kooxda aan gabbanin ee Al-shabaab ku soo maqan tahay.
Safaaradda Maraykanka ee dalka Uganda ayaa ka digtay in Xarakadda Al-Shabab ay weerar la mid ah kii ay geysteen bishii hore magaalada Nairobi inay ka dhacaan wadanka Uganda gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Kampala.
War kooban oo lagu qoray bogga internetka ee safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in xog ay safaaradu heshay ay sheegayso in xubno ka tirsan hogaanka Al-Shabab ay maleegeen oo ay diyaariyeen weerar la mid ah kii ka dhacay suuqa Westgate bishii hore,waxaana ay safaaraddu u jeedisay hay’adaha amaanka wadanka Uganda inay feejignaan muujiyaan, islamarkaana diyaar u ahaadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarkaas ku soo maqan.
Safaaradda Maraykanka ayaa dadkeeda ku sugan Uganda ugu baaqday inaanay tegin Goobaha dadka badani ku kulmaan, waxana ay ku dhiirrigelisay inay safaaradooda la soo xidhiidhaan.
Afhayeen u hadlay waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka oo la yidhaahdo Jen Psaki ayaa sheegay in xog lagu kalsoonaan karo ay ka heleen gudaha Soomaaliya sida uu yidhi. Maraykanku dhawr jeer oo hore ayuu ka digay weeraro Shabaabku ka geystaan wadamada gobolka.
Kooxda Al-shabaab ayaa haatan noqotay xoog cusub oo baqdin iyo argagax hor leh ku abuuray waddamada Deggen Gobolka, waxana, wali dhagaha shucuubta geeska ka sii baxaya wacdarihii kooxdu ka geysatay Magaalada Nairobi bishii ina dhaaftay.
S.DN.
Contact@somalidiasporanews.com