waa kuma ninka naga dagaal batay, waa kuma rasaasta nagu taallaa ninkay ku taallaa, waa kuma waxanu soo maray ninka soo maray ee annaga na canaananayaa, Hasoo Baxo” Muuse Biixi
Hargeysa:18-Oct-2013(SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi ayaa mujaahidiintii u soo Halgantay somaliland u soo jeediyey inay iska illaawaan cabashada iyo calaacalka ku saabsan xuquuqda ka maqan ee ay tebayaan.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo Maalintii shalay ka Hadlayey madal ay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ku keliyeysteen oo lagu xusayey Maalintii shuhadada SNM oo ku beegnayd 17-kii October ee sannaddii 1984-kii.
Mujaahidka ayaa si waayeelnimo ah ugu caqli celiyey mujaahidiinta wali tabanaysa xaqa ka maqan, waxana uu kula dardaarmay inay dhismaha dalkooda ku dedaalaan, “Mujaahidku yuu calool xumaanin marka ay dhibaato ku dhacdo ee uu wax tirsado, waar laguma hagran, qabyadeennaa badan oo waa la dedaalayaaye ku samir waliba dalkeenan maanta wax ka dhis adigoo caynkaas ah.” Ayuu yidhi muuse Biixi.
Muuse ayaa sidoo kale ugu baaqay mujaahidiinta inay duruufaha adag ee ay haatan ku nool yihiin iska ilaawaan oo ay u guntadaan horumarinta dalkooda, waxana uu yidhi, “Mujaahidow adigoo dhitinaaya oo kaadidu kellida kaa socoto, wixii aad u soo halgantay wali waa qabyo cid kalena uma maqnee Ha Eegin waxa ku dhaafaye Hawsha inoo taalla eeg.”
Muuse oo mar kale ka hadlaya qiimaha mujaahidiintu leeyihiin, ayaa yidhi, “xaq baad noogu leedihiin inaad na canaanataane laakiin na hubsada ma dedaalaynaa, waar ma nin baa nin mujaahid ah hagran kara.”
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa markale Bannaanka soo dhigay Burjigiisa mujaahidnimo, waxana uu si qiiro leh u sheegay inaanu inta ogaalkiisa ah ka warqabin nin ka mujaahidsan oo duruufihii uu dalkan u soo maray sheegan karaa, waxana uu yidhi, “ yaa loo tilmaami karaa dhibaatada SNM Maanta, ma annagaa qaar loo sheego ah, ka noo sheegayaa waa kuma, waa kuma ninka naga dagaal batay, waa kuma rasaasta nagu taallaa ninkay ku taallaa, waa kuma waxanu soo maray ninka soo maray ee annaga na canaananayaa, Hasoo Baxo”
Waxa kale oo uu mujaahid muuse Biixi qiray in mujaahidiintu mutaysteen in xuquuqda ka maqan ay helaan, waxana uu intaas ku daray inaan cidina madaxweyne Siilaanyo u tilmaami karin qiimaha mujaahidka, waxana uu yidhi,“ Xaq bay u leeyihiin aasaasayaashii SNM in la ixtiraamo oo taallooyin loo dhiso, cidina kama qaadi karto oo annagaa ku garabtaagan, siilaanyo oo Toddoba sano Halgamaa ahaana cidi uma tilmaami karto.”
Mujaahid Muuse Biixi oo si gaar ah uga hadlaya xurgufta dhawaanahan kala dhex gashay mujaahidiintii SNM ee ay ugu horreeyaan utunka kala dhextaalla Madasha wada-tashiga ee ay majaraha u hayaan mujaahidiintu iyo xukuumadda madaxweyne siilaanyo, ayaa yidhi,“Maxamed xaashi iyo siilaanyo kala fogaan maayaan, xasan ciise iyo aniguna kala fogaanmayno, laakiin xasan guurow waxanu jecellahay markaad Hadlaysaan inaynu is dhawrro oo aynaan carruurta ka nixin”
Hadalkan mujaahid muuse Biix ee maalintii shalay ayaa u badnaa mid uu isku dayey inuu si xeeladaysan iskugu beerxaadho mujaahidiinta tirsanaya inaan loogu hambayn sidii ay ugu liseen, waxana ay weedhiisu u badnay waano iyo wax u sheeg uu laabta ugu qaboojinayo mujaahidiinta sedbursiga tirsanaysa ee qaarkood waaxyahooda qaaliga ah u loogeen Nabaddan maanta la nuugayo.
S.DN.
Contact@somalidiasporanews.com