Burcadeeda Soomaalida oo weerarkii u horeeyay qaaday mudo bilo ah
Nairobi Oct 18,2013(SDN)-Burcad badeed Soomaali ah ayaa qaaday weerarkii u horeeyay ee bilihii ina dhaafay.
Xarunta la dagaalanka Burcada ee reer Yurub ee ku taal Northwood,UK ayaa xaqiijisau in burcad Soomaali ahi ay 1kii bishan weerareen markab kuwa xamuulka qaada oo maray meel u jirta xeebaha Soomaaliya 230 KM.
Ilaalo markabka la socotay iyo sideed Burcad badeeda oo watay doonyaha dheereeya ayaa rasaas isweydaarasaday.
Ilaaladii hubeysneed ee la socotay markabkan aan la shaacin halka laga lahaa ayaa ku guuleystay in ay burcada iska caabiyaan.
Taliyaha ciidamada reer Yurub ee ilaalada u jooga xeebaha Soomaaliya Rear Admiral Bob Tarrant ayaa sheegay in tani muujineyso in weli ay jirto khatar ay burcada Soomaalidu ku heyso maraakiibta caalamka.
Maraakiibta kale ee aaga mareysa ayaa fariimo digniin ah laga siiyay sidii ay u hubin lahaayeen amnigooda.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com