|

Mid ka mida Ragii Hubeysnaa ee weeraray Westgate Mall oo la sheegay in uu reer Norwey ahaa

Nairobi Oct 18,2013(SDN)-Mid ka mida afartii nin ee weeraray Westgate Mall ayaa la sheegay in uu yahay muwaadin reer Norwey ah oo Soomaaliya ka soo jeeda.

Muuqaal ay baahiyeen warbaahinta oo laga soo duubay Westgate intii uu socday weerarka ayaa laga gartay mid ka mida afarta nin oo hore naaneysyadooda uun la shaaciyay.

Xasan Cabdi Dhuxuloow ayaa warbaahinta qaar sheegtay in uu ka mid ahaa ragii afarta ahaa ee muqaalkooda shaashadaha caalamka laga daawaday.

Xasan Cabdi Dhuxuluuw waxa uu kiyoo 9 jir ah 1999kii tegay dalka Norwey waxaaanu halkaa joogay ilaa 2009kii.

Qaar ka mida dadkii yiqiinay ayaa saxaafada u sheegay in uu Africa ku noqday isla markaana uu soo hadli jiray dhawrkii biloodba mar.

Xasan Cabdi Dhuxuloow ayay dawlada Norwey baareysa sida uu ugu biiray Shabaabka iyo cida gacanta ka siisay.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed