Qoys reer Mandera ah oo Booliiska Kenya gacanta u geliyay nin Hubeysan
Mandera Oct 18,2013(SDN)-Booliiska degmeda Mandera ayaa sheegay in dadka degaanku ay gacanta u geliyeen nin hubeysnaa oo soo martiyay.
Ninka hubeysan oo aan magaciisa la sheegin ayaa 45 jir ku hubeysan qori casri ahi waxa uu u soo martiyay reer degen wado isku xirta degaanada xadka ee Soomaaliya iyo Kenya.
Rono Bunei ayaa sheegay in shacabku ay nin hubeysan ku arkeen degaanka Garba-Goley oo 18 KM dibeda ka ah magaalada Mandera.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ninkan hubeysani uu martiyay mid ka mida qoysaska oo uu weydiistay Raashin iyo biyo,ka dibna ay qabteen.
Ninkan ayaa ku hubeysnaa qori aan Kenya aan aad looga isticmaalin oo la yiraahdo S
pringfield M-14 iyo saanadiisii.
Booliska oo halkaa gaaray ayaa ninkii u dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Gaarisa.
Ilaa iyo haatan ma cada in ninka hubeysan ee la qabtay uu ka tirsan yahay kooxda Al Shabaab oo aaga mudaba ka waday hawlgalo amniga ka dhan ah iyo in kale.
SDN-Mandera
contact@somalidiasporanews.com