Ciyaar lagu Maamuusayo 29 Guuradii Dagaalkii Burco Duuray oo Galabta ku dhex martay Garoonka Caasimada Gobolada Maroodi Jeex iyo Daad Madheedh
Hargaysa 17.0ctober 2013 (SDN)- Ciyaar kubadda cagta ah oo lagu xusayey munaasabadda 17 OCT ayaa galabta dhex martay xulalka kubadda cagta ee Gobolada Maroodijeex iyo daad-madheehd.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Hargeisa stadium ayaa waxaa soo qabanqaabiyey ururka samafalka wadaniga aa ee ODXA, waxaana lagu xusayey maalinta shuhadada SNM oo ku beegnayd maanta 17 bisha OCTobar.
Ciyaartaasi daawashadeedii waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Md Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye, Afhayeenka xisbiga Ucid, Badhasaabka gobolka daad-madheedh jamaal Xussen Hurre, Gudoomiyaha ururka mujaahidiinta sooyaal gudoomiyaha ururka ODXA Marwo faadumo siciid iyo dadweyne faro badan.
Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa labada Gobol wakhtigii caadiga ahaa isla dhaafi waayeen Min Hal Gool, ka dibna waxaa loo dhigay Gool ku laad ama rigoorayaal, taasoo ay 4-2 guushu ku raacday Gobolka maroodijeex, oo noqonaya xulka heer gobol ee sanadkan ku guulaystay koobka loo dhigay munaasabadda maalinta shuhadada SNMÂ .
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com