|

Horumarinta iyo shaqa abuurada dhalinyarada waxa ka gaabiyay Ganacsatada Waaweyn ee waxba yaan lagula gal galan dawlada

Sidan la wada soconaba waxa imika aad u soo kordhaaya cabasha badan oo ka imanaysa dadka dhalinyarada ah ee Somaliland.   Kuwaasoo badankoodu ka soo baxaan Macahadada, Jamacadaha qaarna ay yihiin dad iska muruq maal ah.  Waxay dadka cabashadoodu ku qotontaa dawladii baa shaqa noo abuuri wayday.

 Anigoo arrintaa ka duulaya ayuu dulucda mawduuca maqaalkan waxan dadka u sheegaya inaanay canaanta shaqa la’anta ay masuuliyada badankooda leeyihin Ganacsada waaweyn ee dalka oo aan ogolayn inay dalka maal geliyan haday noqon lahayd shirkado waaweyn oo taya leh iyo Warshadaba.

 

Dawladu waxay karaankeeda way qabatay wixii u qabankartana shaqa abuurka waa looga fadhiya inkasto iyagoo laftooda iyo Chamber of Commerce looga baahanyhay inay dawr weyn ka ciyaari lahayeen sidii loogu baraarujin Ganacsatada inay isu yimaadan oo shirkaan si  iyaga, shaqa abuurista iyo dalkaba wax loogu qabto.

 Hadaba suaa’sha meesha taala waxa weeye sidiisaba yaa shaqa abuura. 

Shaqa abuurka badanaba waxa abuura dawlada oo shaqaale dawladeed iyo Ganasadata iyo shirkadaha oo iyagu shaqa abuurka badankiisa aan idhaahdo ila 70% abuura  kuwaaso badanaba ah warshado , shirkada ay dad wada leeyihiin.

 Haddii aan tusaale ku soo qaato Somaliland Matalan, kuwa imika la baxay shirkado, Group of Companies, kuwaaso waliba ka soo jeeda ganacsada waaweyn.  Kuwa noocaas ah ma odhan karo waa shirkado waayo dee qof kaliya ayaa leh waa mulkiile , wuu la bixi kara wuxuu doono, laakin badana shirkadaha caalamka oo ay leeyihiin waa dad isu tagay, dadka Ganacsadaha dadkaaso ka kooban ugu yaraan 8 maalqabeen oo waaweyn lama barbardhigi karo. Bal eeg imika shirkada Coca colaha, Pepsi, Warshadaha waxasoo dhan waxa leh ganacsada isu tagay.

 

Waxan muddo sanad laga joogo hore u qoray, maqaal odhanaya yaa hortaagan maal gashiga dalka Somaliland. Barigaa waxan idin iftiimiyay in ay hortaaganyihiin ganacsatada reer Somaliland in warshada ama shirkada waaweyn la semeeyo oo dadka shaqa loo abuuro .

 

 Taa waxan uga jeeda waxa cad inuu maanta qofwaliba indhiisa ku arkaayo inaynay doonayn in ay Ganasadayashu isu tagaan.  Dhaqanka noocaasina horumar ma keeno , bal haday ku leeyihin Turkiga iyo Carabtu mayna maalgaliyaan.  Iyaguba waa shirkada adoo kale ee maxaad adigu u samayn la’adahay maalgalinta.

 

Waxan taa uga jeeda marka la isu tago wax weeyn baa la qaban kara.  Khaasatan Warshadaha mid ama laba maalqabeen ah ma samayn karaan.  Waxa samayn kara ugu yaraan 8 ama 10 maalqabeeno waaweyn oo isu tagay.  Waxad mooda inay dadka reer Somaliland ka helaan kelmada ah waxa iska leh meherada ama hotelka Hebel lama Mr. Qansax , shirkada aha Group of Companiesna waxa isna iska leh Mr. Qudha oo nin maalqabeen ah.

 

Maxaa u markhaatiya arrinka aan sheegayo, waxa u daliil ah miyaad haysa wali 2 ama in kabadan oo maalqabeen ah oo shirkad ama warshada wada leh, jawaabtu waa yaryihiin haday jiraana, waxan filaya inay jirto warshada caanaha ee Darsalam wax shirkad la wada leeyahay oon garanayo.  

 

Bal ii sheeg waa kuwee.  Dhinaca dibada marka la baadho wixii loo yaqaanay shantii Somaliyeed.  Maanta dadka Ganasiga Xooga leh ku haysta min dalalka carabta, Yurup ila Amerika.  Waxa weeye dadka ka soo jeeda Koonfurta Somaliya oo keliya. Iyaguna waxay ku gaadheen heerka wax isku darsi iyo xaasid la’an aan jirin dhexdooda.

Tusaale ahaan, Saudi Arabia dadkii ugu horeyay ee yimi reer waqooyi bay ahaayen ama reer Somalilandba dhe oo, Matalan magaalada Jeddah oo kale markii ay soo galaan dadka koonfurtu waxay ahayd ila sanadihi 1980tandii . Dadkaasi waxay maanta ku leeyihin sadex suuq oo waaweyn oo la kala yidhi suuqa Aljaziira, Saxafi iyo dukaamo kale oo magaalada ku kala yaala.  Reer Somaliland ama Waqooyiguba meherad waa laga yaaba mid ama laba laakiin wax la sheegi karo kuma laha.

 

Haddaad Yurup timaado waa sidoo kale, dadka wax ku haystaa iyana waa dadka koonfurtu.   Hudheelada siyaasiinta Somalia, Somaliland ee London lagu casuumo iyo meherada kaleb ee aad maqasheen kuli waxa iska leh koonfurta Somaliya.  Hadaba, maxaa ugu wacan dadka reer Somaliland inay noqdaan dad ku gaabis ah shirkado waaweyn ama warshada la abuuro. 

  1. Dadka oo markale hore jecel inuu isagu keligii wax yeesho oo la yidhaa waa Mr. Qudhac oo mulkiilaha meherada isla markaana aan doonayn inay cid kale la shirkido.

 

  1. Waxaa taa daba taagan oo arrinta kor xoojinaysa dadkan oo ah  dad aan is aaminaynin.  Haddii aan dadka inay wax isku daraan isku aamini waayaane.  Shirkado waaweyn iyo Warshado midna la abuuri kari mayo.

Inta haddaan ku dhaafo, dawrka looga baahanyahay Ganasatadu inay horumarka wadanka ka qaybqaataan oo aan ku sheegay mid gaabis ah.  Ayaa waxa hadana beryahan soo batay dad dhalinyara ah oo aan garanayninba meesha ugu badan ee shaqada looga abuuri karo dhalinyarada.

 

Waxay marwalba ka cawdaan inay dawladii shaqa u abuuri wayday.  Hadaba aan ku toosiyee dawlada maaha wax ugu weyn ee wadanka shaqa ka abuuri kara ee waxan kuu sheegaya in ku dhaw ila 70% looga baahanyahay inay Ganacsatada dadka shaqa u abuuraan.

Dawalad walba shaqa abuurista ay dadka u samaysa waa mid aad uga yar inta ay abuuraan shaqooyinka ka soo ganacsiga xorta ah , shirkadaha iyo warshadahaba.  Midna ku darso oo dawladan lafteedu intii karaankeeda Waxay qabatay wax qabad badan sida, lacagtii hore oo labadelay isla markaana shilin Somaliland oo la gaadhsiiyay meel walba.  Musharadii oo shaqaalihi loo kordhiyay.  Iskuulada hoose ila dhexe oo laga dhigay bilaash.  Dhismayaal badan oo wasaaradaha loo dhisay.  Kaabayasha dalka oo la horumariyay.

 

Waxa inta sii dheer in la sameeyay dhawaan kuliyada ciidamada iyo darajadii ciidanka oo la bixiyay taasoo runtii ay dawladiihi tan ka horeyeen ay ku dhici kari waayeen inay sameeyaan.  Siyaasada dibada waad arkaysan ina Somaliland iyo somaliya la bilaabay wada hadal intii meel la isku xidhi lahaa.   Dhinaca shaqa abuurka wixii awoodooda way abuureen laakiinse hadaanayba shicibkii diyaar u ahayn inay dalka Shirkada waaweyn iyo warsahada ka sameeyaba maxay iyagu qaban karaan.

 

Bal eeg war bixin uu bixiyay Sacad Ali shire wasiirka Qorshaynta, oo sheegay in dadku ila ukuntii ay ka soo iibsanayan Yeman meeshi ay ka dhaqan lahaayeen.  Waxa kaloo jirta haddii aad habeenkii ila 11-12 habeenimo aad eegto sariflayashu way furanyihin.  Waxay u furan yihiin inay iibiyaan lacagta dollarka si baritaba inta la qaado Ethiopia looga soo iibiyo Qaad.

 

 Qaar kale oo Ganacsadayal ahina inta iyana dollar qaadan oo Dubay oo dhaafaan ayay alaabo kaga soo iibiyan meeshii looga baahana in warshado dalka loo abuuro.

 

Waxaaso dhami waa dhibaato ay shicib ka masuul yihin, inkasto dawlada lafteeda looga baahanyhay in dadka laga waci geliyo oo loo sheego dhibaatada uu Qaadka ummada ku hayo iyo siduu dhaqaalaha wadanka ula degay.  Halkaana waxa ka soo baxay Sicir barar (inflation because the import commodities are more than export products).

Tusaale ahaan, dalkan aan joogno ee UK.  Inta qof ee u shaqaysa dawlada waa layaqaan oo way ka tira yar yihin waxana aad uga badan inta ay shirkaduhu iyo warshaduhu shaqaalaysiiyeen. Dalalka kale ee Khaliijka, Amerika iyo caalamkuna waa sidaa uun.

 

Sidaa daraadeed waxa fiican in dadkaan dawlada shaqa abuurid kaga cabanaya waa inay u fiirsadan doorka liita ay Ganacsatadooda waaweyn ka ciyaarayan cobcinta dhaqaalaha iyo shaqa abuurista dalkaba ee xita ay waliba u sii dheertahay iyagoo lagaga cabanayo inaanay xita qaar badan aanay bixinba cashuurti xaqa loogu lahaa, ha ku daraan xisaabta oo ha gartaan inay kuwaasii shaqa abuurka dhalinta ka hortaagan yihiin.

 

Waxan ku soo gabgabaynaya maqaalka, ma fiicna wax uun iska qor, oo Somalidu waxay ku maahmaahda gaal dil oo gartiisana sii oo.  Intaad dawladan uu khaladka shaqa abuurka lagu eedaynayo, waxa haboon inaad aad u fahantan in ay dadka idin gabay ee shaqa abuurka idin ka hortaagan ay yihiin Ganasatada waaweyn ee aan ogolayn inay wax isku darsadaan, caalamkan maanta anaa mulkiila ah kama jirtee waxa ka jira shirkad iyo wax isku darsi, habka aan sheegay ay ganacsatado isticmaalana waxa loo yaqaan (sole trader) kamana shaqeeyo oo maanta caalamka ila ganacsada yar yar mooyane . 

Dawladana imika jirtaana runtii wax badano fiican way qabatay intii ay imika joogta oo ah ila 3 sano, inkasta oo ay jiraan khaladaad dhawr ah oo u baahan in dib loo saxo.  Kuwaasina waxa fiican inay dawladu laftoodu ka badheedho inay dadkeeda ka qanciso.

 

Qalinkii

Adan Jama Kahin

Tafatiraha Wargeyska Onkod , Uk

  • Master of Business & Marketing at Bedfordshire University , UK.
  • Post Graduate in Business Management at Norwegian School Of Management, Oslo, Norway.
  • Social Science at Open University , Milton keynes , UK.

Comments are closed