“Hadii halkan “Hargaysa” nalaga Cisayn waayay Maxaa Naga Maanacaya inaanu Muqdisho tagno” Dareenka Fanaaniinta Somaliland
Hargaysa 08.October 2013 (SDN) Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha
bulshada jsl Md Maxamuued Axmed bare garaad ayaa Ka Qayb galay
Riyaawad lagu Daahfuray magaalada Hargeis oo ka Hadlaysay Sidii
Xukuumada iyo Mucaaridba wax la isla eegi lahaayeen Isla markaa cidii
Khaladan lagu Toosin Lahaa habka is qancinta iyo isu tanaasulka ee
bulshada Somaliland ay ku Caano Maashay.
Riwaayadan oo La Magac baxday Saxbaa khalad lagu Saxaa Ayaa waxa Hal
abuuray Abwaanka Wayn Ee Maxamuud Xuseen Qaalin Mr Wadani.
Riwaayadan ayaa Waxa Lagu marti Qaaday Qayb Ka Mid ah Xukuumada jsl
Mucaaridka Laakin kamay Soo Xaadirin Mucaaridkii halka Muxaafidkii Ku
Shaqada Lahaa Uu ka Fadhiisatay Riwaayada Ka hadlaysay.
Fanaaniita Jilay riwaayadan Oo Ah Fananiinti Hore oo ay ka Mid Yihiin:
Ruun Xadi Saban,Ikraan, jaamac,Maxamed Bussi,Maxamuud wadani Iyo Fanaaniin Magac Ku Leh Qaranka Jsl oo Iyagu Halkaa Ku soo Ban dhigay Heeso ka Hadlaya Arimaha Bulshada Kuna Qotoma Xaqiiqda Maanta Jirta,Inkasta oo ay Jireen Riwaayadan ayaa waxa la soo marin doonaa dhamaan gobolada dalka oo dhan iyadoo maalinba gobol lagu soo ban dhigi doono Abwaan maxamuud Xuseen Qaali Mr Wadani Oo Ka Hadlay Arimaha Ay Riwaayadani Ku saabasan tahay ayaa sheegay inay ka hadlayso waaciqa taagan ee uu dalku u baahan yahay iyo sidii ay mucaarid iyo maxaafid wax loo wada qabsan lahaa .
Geesta kale Fanaaniinta Masrixiyadan soo bandhigay ayaa sheegay inay
Casuumeen boqol iyo afartan Xubnood waxaase ay nasiib daro ku
tilmaameen in Madashii Riwaayada aanay ka soo daahirin Madaxdii ay ugu
talo galeen iyagoo ku dooday in aanay helin Xuquuqdii ay dalka ka
Mudnaayeen,Fanaaniintani waxay si Qiiro leh ugu dhawaaqeen Erayo ay ka
Mid ahaayeen “Hadii halkan “Hargaysa” nalaga Cisayn waayay Maxaa Naga
Maanacaya inaanu Muqdisho tagno” iyo halku dhegyo kale oo ay ku
muujinayeen dareenka Cidlada leh ee ay Masrixiyadooda ku soo
bandhigeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com