Doontii dhawaan ku qaraqantay Xeebta Jasiiradda Lampedusa oo La Xaqiijiyay inaan Somali ku Jirin
Lampedusa 08.October 2013 (SDN)- Waxaa maalmihi la soo dhaafay saxafada soomaalida ay qortey in soomaali badan ku jirtey dooni ku qalibmatey xeebta Jasiiradda Lampedusa ee wadanka Talyaaniga ayaa la sheegaya inaysan doonidaasi ku jirin wax soomaali ah isla markaasna aysan ku jirin tiradda maydadka ah ee laga soo saaray badda kuwaasi oo tiradoodu gaareyso 111 ruux.
Goob jooge ku sugan Wadanta Talyaniga oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in dadkaasi yihiin dad u dhashay wadanka Ereteriya isla markaasna ay ku jiraan kuwo kale oo wadamo kale u dhashay balse aysan ku jirin ilaa iyo hada wax soomaali ah,waxaana Goob joogahan shaaciyey in warbaahinta talyaaniga iyo Duqa magaalada Lampedusa ay daboolka ka qaadeen inaysan soomaali ku jirin dadka dhintey.
Ugu dambeyntii Warbaahin badan oo Soomaaliyeed ayaa baahisay in Soomaali badan ku geeriyootay badda Talyaaniga,waxaana arrintaasi la sheegaya inaysan waxba ka jirin isla markaasna markii hore la aaminsanaa inay soomaali yihiin maadama ay isku muuqaal eg yihiin Soomaalida iyo ereteriyaanka iyadoo inta badan badda talyaaniga ay ku tahriibaan soomaalidu uguna badan tahay dadka mara.
Lampedusa SDN.
Qurbejoog.com