|

Xubno Alshabaab ah oo loo Xidhay Gulufkii Dagaal ee lagu ekeeyay Magaalada Baraawe

Baraawe 08.October 2013 (SDN)-Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ay Al-Shabaab xirtay saddex ka tirsan maleeshiyadeeda oo ay ku eedeeysay inay xog ku caawiyeen ciidamada Mareykanka ee Sabtidii hore weeraray Baraawe.

Al-Shabaab005-300x201Mid ka mid ah saddexda maleeshiyo ayay ku sheegtay inuu aad u isticmaali jiray internet-ka, taasoo keentay in ay Al-Shabaab uga shakiso inuu macluumaad u gudbinayay ciidanka Mareykanka ee weerarka fuliyay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale baaritaan ka wadda xaafadaha Baraawe, tan iyo weerarkii lagu dilay horjoogayaal sarsare oo ka tirsanaa maleeshiyada.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa weerar subixii Sabtida ay ku qaadeen Baraawe ku sheegay inay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Cabduqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo Kenyan ah, balse asalkiisa Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay  weerarradii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Daarusalaam ee sanadkii 1998-kii.

Baraawe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed