Dugsiga Aadan Quule ee Magaalada Hargaysa oo Shaaciyay inuu ka qayb qaadanayo Dhismaha Wadada Ceerigaabo iyo Burco(SAWIRO)
Hargaysa 08.October 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa saaka ka qayb-galay Marti-qaad ay u fidiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Quulle Aadan Secondary School ee Magaaladda Hargeysa oo noqday Dugsigii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay gacan ka geysan doonan Mashuuraca wadada Ceerigaabo lagu dhisayo ama lagu taageerayo.
Waxaanay Ardaydaasi halkaasi kaga dhawaaqeen in ay 3-da Bilood ee ugu horeeya ku caawin doonaan calaa Arday $1 Dollar, taas oo saddexdaa bilood marka la isku daro noqon doonta ardaygiiba 3 Dollar.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Wasiirka Waxbarashada, guud ahaan Bahda waxbarashada, Macalimiinta maamulka Dugsiga iyo dhammaan Ardayda sharafta iyo qiimaha badan ee halkan nagu soo casuumay. Salaanka dib aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay in bahda waxbarashadu halkan nagu casuunto oo ay noogu yeedho iyaga oo ka qayb-qaadanaya horumarkii dalka gaar ahaan dhismihii wadooyinka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, qof waliba wixii uu awoodo ayuu bixinayaa qofkii awoodi kari waayana la khasbi maayo waana dalka horumarkiisi iyo dib u dhiskisii, aad iyo aad ayaan idiinku mahad celinayaa sida qiimaha badan ee aad u muujiseen inaad dalkiina wax ku tartan idinka oo da’aas ah.”
“Wasaaradda Waxbarashadu waxay maalintii koowaadba ka balan-qaaday Wasiirradu inay ka qayb qaadanayso bahda waxbarashadu, waxaad ka dhabayseen iyada oo noo muuqata ardaydii inaad ka qayb qaadanaysaan Dib u dhiska dalka, casuumadii u horaysay ee lanagu casuumo ee la noogu yeedho waa Dugsigan Quulle Aadan Secondary School, waxa halkaasi nooga muuqata in maamulka Dugsiga, Macalimiintiisa iyo Ardaydiisuba ay qiimo gaar ah noo leeyihiin, qiimo gaar ahna qaranka u leeyihiin aad iyo aad ayaan runtii idinku hambalyeynayaa,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ayaan darro ku tilmaamay In Golaha Wakiiladdu xubno ka mid ahi ay diidayaan in lacag ay u jaraan jidka u dhaxeeya Burco iyo Ceerigaabo oo xataa ardaydii ay qaadhaankeeda ka qeyb qaadanayaan, waxaanu yidhi “Waxaan runtii jecelahay iyada oo ay ardayda intaasi leegi noogu yeedheen inay (Contribution) ama mucaawimo ka geystaan wadooyinka, waxa ayaan darro ah in xildhibaanadii dalka loo doortay 100 Dollar oo la waydiyey ay diidayaan insha allaa idinkaa bedeli doona kuwaasi aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.”
“Ma aha xildhibaanada oo dhan waa tirro kooban oo ka mid ah ayaa diidan oo ka hadlaysa iyaga oo weliba mushaharka ka qaata Cashuurta dalka ee dadka laga ururiyo iyaga oo mushaharka taa ka hela ayaa la yidhi mushaharka 100 dollar ka bixiya, 500 oo Dollar ayaa loo kordhiyey 100 Dollar bixiya ayaa lagu yidhi tiibay diidan yihiin kuwaasina way bixinayaan, runtii oo waa farqi aad iyo aad u weyn aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin Ardayeey,”ayuu intaas raaciyay Wasiirka Madaxtooyadd.
.
Wasiirku waxa uu sheegay inay ka dhabayn doonaan hirgelinta jidkaas dheer, waxaanu yidhi “Waxaanu ka dhabayn doonaa insha allaahu tacaalaa dhismaha wadada iyada oo dhisana waydun arki doontaan, waxaanad dalxiis ugu tagi doontaan Ceerigaabo iyo dhulka la midka ahba waxa aad ku tegi doontaan fasaxyada iyada oo laami ah insha allaa haddii aynu noolaano, waxa aad arki doontaan dalkeena daafihiisa insha allaahu tacaala. Dalkeenu yacnii wuu kala go’an yahay oo ma dhisna wadooyinkiisu waxa keliya ee innoo dhisani waa wadadaa keliya ee isku xidha Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Laascaanood, wax kale oo inoo dhisan oo laami ahi ma jiro, waydinkaa arkaaya wadooyinkii odhan dhibta ka taagan, mustaqbalka dalku sugayaana waa idinka sidaa aad maanta ugu guntateen ayaa berina laydinka Sugayaa.waxaan idinku hambalyeynayaa dedaalkiina waxa aan idin leeyahay Guulaysta waanad mahadsan tihiin.”
Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay maamulaha dugsigaas Cabdilaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo sheegay in ardayda dugsigaasi ay go’aansadeen in ardaygiiba sadexda bilood ee soo socda bishiiba ay hal dollar ugu yaboohaan qaadhaanka loo ururinayo dhismaha jidka dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com