|

Borama: Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Soo Xidhay Shir lagaga arrinsanayay baahiyaha Wasaaradaha ee 3 Sanno ee Soo Socda

Borama 08.October 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada qorshaynta jsl md sacad cali shire oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee waasaarda qorshaynta md Cabdirashiid Axmed Guuleed iyo Badhasaabka Gobolka Awdal Md .Cabdoo Axmed Aayar ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu soo gabagabaynayay kulan hawleed ku saabsanaa qorshaha baahiyaha wasaaradaha dawlada sedex sano ee gobolka awdal.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka 2kulan hawleedkaasi qorshaha baahiyaha Hay’daha Dawlada ee Gobolka Awdal oo XCsocday mudo sedex maalmood ah ayaa lagaga hadlayay qorshaha horumarinata gobolka sedexda sano ee soo socda ,kaas oo laga soo saaray buug lagu hawl gali doono.

Agaasimaha guud ee wasaarada qorshaynta qaranka md cabdirashiid axmed guuleed iyo Agaasimaha waaaxda qorshaynta iyo horumarinta  ee wasaarada qorshaynta mustafe cabdi  oo iyana  halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qorshahani uu soo bilaabamay bishii shanaad ee sanadkan aynu ku jirno, islamrakaa la diyaariyay qorshaha  horumarinta sedexda sano ee soo socda ee dhamaan gobolada dalka kana maanta buuga laga soo saaraynaya uu daba socdo kaasi hore, waxaanay sheegeen in soo saarista buuga qorshaha horumarinta gobolka awdal ee sedexda sano ee soo socda in ay iska kaashadeen isuduwayaasha laamaha dawlada ee gobolka awdal, jaamacaddaha camuud iyo eello iyo gudiyada horumarinta gobolka awdal.

Badhasaabka gobolka awdal md cabdoo axmed aayar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka gudida horumarinta gobolka awdal oo uu tilmaamay in kaalin muuqta ay ka qaadan doonaan midho dhalinta qorshaha horumarinta gobolka ee sedexda sano ee soo socda ,waxaanu intaa ku daray in waxyaabaha horumarka lagu gaadho ay ka mid tahay iskaashiyada dhex mara xukaamadaha iyo shacabkam islamrakaana sheegay in gobolka awdal uu ka mid ayahay gobolada waxwada qabsiga astaanta u ah ee lagaga daydo.

Gabagabdii wasiirka wasaarada qorshaynta dr sacad cali shire oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu u mahad celinayo cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo saarista buuga qorshaha horumaribta gobolka ee sedexda sano ee soo socda, isagoo balan qaaday in xukuumada door laxaad leh ay ka qaadan doonto qorshayaasha horumarinta gobolka sidii ay horaba kaalinta weyn uga qaadatay hirgalintii wadada laamiga ah isku xidha dila iyo boorama oo xukuumadu ay bixisay kharshka ku baxay intiisii badnayd imika haduu alle idmo ay diyaar u tahay horumarinat gobolka.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed