Saleebaan Gaal oo gudkiisii Biyo ugu galeen:dhaqdhaqaaq Xilka Xayuubin
Kooxo Xildhibaano ahoo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay abaabulayaanmooshin lid ku ah guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan oo safarcaafimaad xilligan ugu maqan dalka UK.
Shirgudoonka golahaasi ayaan ilaahada ka hadal dhaqdhaqaaqyadaasi la sheegay inay wadaan xubno ka tirsan golahaGuurtida.
Ilo wareedyo u dhuun-daloola golahaasi Guurtida ayaa tibaaxaya inqaar ka mid ah xubnaha Guurtidu oo labadii maalmood ee u dambeeyay shirdoceedyo ku yeeshay Hargeysa ay kaga wada hadleen sidii mooshin lid ku ah gudoomiyaha Guurtida ay golaha u horkeeni lahaayeen todobaadka soo socda,kuwaas oo intaa ku daraya in xildhibaanada taabacsan gudoomiye Saleebaan ayiyaguna shirar ay kaga hortagayaan dhaqdhaqaaqyadaasi lidka ku ah ay iyagunamaalintii shalay ku yeesheen caasimada, isla markaana ay qaylo dhaan ugu direeninuu si dhakhso ah dalka ugu soo guryo noqdo soona gaadho ololayaasha ka dhankaah ee golaha dhexdiisa ka aloosan.
Xildhibaanada la sheegay inayabaabulayaan mooshinka lagu ridayo gudoomiye Saleebaan ayaa la sheegay inay uololaynayaan xubno cusub oo aan ka tirsanayn golaha in xildhibaano ugatanaasulaan kuraasidooda si markaasi ay ugu tartamaan kursiga ugu sareeyaguurtida.
Xildhibanaadan mooshinka wada ayaa la sheegay inay mooshinkooda ucuskanayaan xilgudasho la?aan ay sheegeen in gudoomiyuhu aanu xilkii loodoortay si waafiya u gudanin, isla markaana loo baahan yahay isbadal hogaankaGuurtida lagu sameeyo.
Xigasho Haatuf