|

Gollaha Wasiirada Somaliland oo laga waayay ruux Madaxweyne Siilaanyo u sheega dhaliilihii Guddoomiyaha UCID

Hargeysa Oct 08,2013(SDN)-Gollaha wasiirada ee xukuumada Somaliland oo daawaday hadaladii dhamacda ka kululaa ee uu Guddoomiyaha xisbiga UCID ujeediyay guud ahaan Xukuumada gaar ahaana madaxweynaha ayaa laga waayay ruux madaxweynaha u sheega wareysiga.

Madaxweyne Siilaanyo oo haatan dalka safar uga maqan ayaa saacad saacad ula hadla ama Hargeysa si guulwadeyn ah loogala soo hadlaa.

Madaxweynaha ayaan sida ka muuqatay wareysiga Eng Faysal Cali Waraabe aan in badan kala socon hab dhaqanka ehelkiisa iyo Wasiiradiisa.

Dood ku saabsan cida iyo sida madaxweyne Siilaanyo loola socodsiinayo wareysiga Guddoomiyaha UCID ayaa haatan ka socota madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale “Casabada”beryahan madaxtooyada fadhida waa sida uu Eng Faysal  Cali Waraabe hadalka u dhigaye ayaa sidoo kale ku hawl waxa ay ka yeelayaan xaalada siyaasadeed ee isku laba rogtay ee haatan sii xoogeysaneysa.

Gollaha wadatashiga ayaa dhawaan shaacin doona goorta la qabanayo shirkii wada tashiga Qaranka.

Waxaanad moodaa in mucaaridka ay haatan ka gudbeen in ay ku koobnaadaan uun in ay si toosina xukuumada wax ugu sheegaan.

Waxaana hada muuqda in xaalku uu gaaray heer aan la kala waaban oo ama mucaaridka la siiyo mudnaantooda ama xaal faraha ka baxo.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed