|

Ciidamada Masar oo Taageereyaasha Ikhwaanka ku gumaaday magaalooyin oo kala duwan

Qahira Oct 08,2013(SDN)-Ciidamada dalka Masar aya acagta mariyay taageereyaasha ururkii Ikhwaanka ee dalkaasi dhawaanta laga mumnuucay.

Taageereyaasha Okhwaan oo isu soo baxyo ka sameeyay dhawr magaalo oo dalkaasi ku yaal ayaa waxa ciidamadu ay ku dileen 51 ruux.

Rabashadahan oo ka kala dhacay Qahira,Giza,Beni Suef iyo Minya ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 268 ruux oo kale,sida ay warbaahinta dawladu sheegtay.

Ikhwaanka ayaa isu soo baxyadooda ku kala qabtay magaalooyinka ay ku leeyihiin xubnaha taageera xisbiga Ikhwaanka.

Xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada ee Ikhwaanka ayaa qoraal uu arinkan ka soo saaray ku muujiyay sida uu u rako marxaladan siyaasadeed ee dalku galay.

“Waxa dhacaya waa Denbi,colaad iyo xasuuq lala beegsanayo dad si sharci ah u dibed baxaya,waxaana masuuliyada falalakan qaadi doona hogaamiyeyaashii afgenbiga.”ayaa qoraalka Ikhwaanka lagu yiri.

Dawlada dalka Masar ayaa sheegtay in ilaa 500 oo ruux ay xabsiga dhigtay ilaa Axadii oo rabshaduhu dib uga bilowdeen dalkaasi.

SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed