|

Madaxweynaha Afgaanistaan:NATO Waxa ay dalkeena ku soo kordhisay Dhibaato uun

Kabul Oct 08,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Afgaanistaan Xamid Karzai ayaa ka waramay waxyaabaha ay mudo toban sanadood ah ururka reer Galbeedka ee NATO ka qabtay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u canbaareeyay hawlgalada amaanka ee NATO dalkaasi ka fulisay.

“Amniga ayaa ugu darnaa waana hawlgalada dalkan ku dhaliyay tiiraanyo fara badan.dhimasho badan iyo guul daro,sababta oo ah dalkani ma aha mid leh amaan sugan”ayuu yiri madaxaweyne Karzai.

Madaxweyne Karzai waxa uu sheegay in ciidamada NATO ay xooga saareen in ay hawlgaladooda la beegsadaan tuulooyinka Afgaanistaan halka ay xooga ka saari lahaayeen xarumaha Taliban ee dalka Bakistaan.

“Kuma faraxsani amni kooban in aan helo waxaanu dooneynay amni buuxa,waxaanu dooneynay dagaal cad oo argegixisada lala galo Argegixisada”ayuu yiri Karzai.

Madaxweyne Karzai ayaa iddaacada BBC-da wareysi uu siiyay inta aanu xilka ka degin waxa uu uga waramay in talada dalka lagu wareejin karo Talibanka.

Waxaanu sheegay in hadii Talaibaanku ay ka qeybgalaan siyaasada dalka ay talada dalaaksi ula siman yihiin muwaadiniinta kale.

madaxweynaha dalka Afgaanistaan ayaa dhaleeceyn ba’an u soo jeedinayay huwanta dalkiisa ka hawlgaleysay tobankii sanadood ee u danbeeyay ka dib kolkii lagu hungoobay ujjeedadii ay shaaciyeen in ay halka u tegayaan.

SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed