“Waxaan Ogayn inuu Faysal Basaas ahaa iminkana ka Mid yahay Madasha Ma Gudbayaasha” Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga {DHAGAYSO}
Hargaysa 07.October 2013 (SDN)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdi Daahir Camuud ayaa Shir Jaraa’id oo uu galabta ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu Jawaab kaga bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo dhaleecayn u soo jeediyay Madaxweynaha iyo Xukuumada uu hogaamiyo,lagana baahiyay Telefishanka Universal.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland oo u Muuqday Shakhsi aaan u soo diyaar garoobin Qabashada Shirkan Jaraa’id ayaa hadalkiisu uu ahaa Mid aanu si haboon u Cadayn weedhaha uu ka Gubtay isagoo ku tilmaamay Hadalada ka soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid kuwo deelqaaf ku ah Qaranimada iyo Wada Jirka ummada,Wasiir ku xigeenkau waxa uu Faysal Cali Waraabe ku sifeeyay Siyaasi ku Guuldaraystay inay Ummada Somaliland Hogaaminteeda ku aaminto,Isagoo Sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Kursiga ku hantay rabitaanka iyo Kalsoonida Bulshadu u hayso .
Mudane Cabdi Daahir Camuud waxa uu ku dheeraaday Waxqabadka Dhinacyada kala duwan leh ee ay ku talaabsatay Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo Mudadii uu talada dalka hayay ,kuwaas oo taabanaya dhinacyada kala duwan ee adeega horumarka bulshada ,Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhigu waxa uu ugu baaqayo Shacabka Somaliland inay dhegaha ka furaystaan hadalada naxliga xambaarsan ee kala fogaynaya Ummada Walaalaha ah ee Somaliland.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KuxigeenkaGaash7.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com