|

Wareerka Siyaasadda Somaliland iyo Waajibaadk​a Xajka

Xiligii gudashada Waajibaadka Xajka ee sanadlaha ahayd  ayaa mar kale ina soo gashay. Sidoo kale, waxa iyana ina soo gashay  doodii raqiiska ahayd ee xujaajta Somaliland ka tagaysa iyo isticmaalka  baasaaboorka Soomaaliya! Wasiir Warancade oo Laanta Soomaaliga ee BBC  da hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in uu xidhxidhay, maxkamadna keenaayo  dad uu ku eedeeyay in ay xujaajta baasaaboorro u samaynaayeen! Wasiirku  wuxu sheegay in ay ogolyihiin baasaaboorkii hore ee Soomaaliya, laakiin  kan cusub ayna ogolayn, cidii keenta na ay sharciga marinayaan! Meeshaas  qalad badan baa ku jira, waana qalad u baahan in wax laga sheego.

 

 

Dhab ahaan sheekada isticmaalka ama isticmaal la’aanta  baasaaboorka Soomaaliya waa dood raqiis ah, waana mid ka mid ah uun  qaladaadka jira, horey na u jiray. Waa dood ay ka buuxdo is diido aad  u tiro badani. Waa dood aan la daafici Karin, una baahan inta aanu xajku  soo galin, in laga fadhiisto, wax la iska waydiiyo, xal na la keeno.  Ma aha daqiiqadda u dambaysa uun in dadka cunaha la iskaga duubo.

 

 

Bal u fiirso, baasaaboorka hore ee uu Wasiirku ku  doodaayo in ay ogolyihiin, iyo midkan cusub labadaba isku meel baa laga  leeyahay. Micnaha ku jira doodda ah – “Baasaabooraddii hore oo kaliya  ayaanu ogolnahay….”, waxay ula jeedaan – baasaabooraddii Soomaaliya,  ee la sameeyay ka hor intii aan Somaliland lagu dhawaaqin 1991 baanu  ogolnahay. Waa dood raqiis ah, sababta oo ah – baasaaboor 22 sanno  ka hor la sameeyay oo hadda shaqeeyaa ba ma jiro. Dhamaan baasaabooradda  yaala Hargeysa, ee kuwii hore uu ku sheegaayo Wasiirku, waxa lagu sameeyay  suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, waana wada bug. Wiilal yaryar oo baasaabooradda,  lacagta (nooc kastaba) iyo shahaadooyinka ba been-abuura ayaa samaystay,  soona waarida. Kuwaas weeyaan kuwa uu baasaabooraddii hore ku sheegayaa,  waana dood jaban ee dhankaas dhig.

 

Geesta kale, maxaa keenay in baasaaboorka cusub loo  baahdo? Sida laga yaabo in la wada ogyahay, baasaaboorka cusub (E-Passport)  ee Soomaaliya waxa qorshihiisa la bilaabay xiligii Dr C/qaasim Salaad,  waxaana si balaadhan loo hir galiyay xiligii C/laahi Yuusuf. Baasaaboorkaas  waxa lagu bixiyaa magaalada Muqdisho, xafiisyo laga soo dalbado oo Garoowe  iyo Nairobi ku yaalaa na waa jiraan. Baasaaboorkaas cusub ee Soomaaliya  waxa aqbalay, oo kii hore na diidan wadamo badan oo dawladda Sucuudi  gun a ku jirto. Wadamo labada noocba wali aqbala sida Republic of China  oo kale ayaa jira, laakiin wadamada Carabtu sinaba uma ogola. Qofkii  Iqaamad (permanent residence) ku leh wadamada carabta, baasaaboorkiisii  hore na aanu wali dhicin uun baa midkii qadiimka ahaa haysan kara.

 

Hadii sidaas xaal yahay, qofka Somaliland ka tagaaya  na aanu baasaaboorkii hore Xajka ku tagi Karin, midka cusub na loo diido,  baasaaboorka Somaliland na aanay Sucuudigu ogolayn, maxaa xal ah? Su’aashaas  qolada Somaliland isma waydiinin, ama ma doonayaan in ay is waydiiyaan.  Wasiir Warancade oo la su’aalay wixii xal ah  ee ay hayaan, wuxu  BBC u sheegay, “In ay sanadkan horaantiisa soo saarayaan E-passport Somaliland leedahay.” Anigu ma garan karo waxa u taas ula  jeedo, maxaa yeelay sanadkani waa gabagabo (October 2013) ayaanba ku  jirnaa. Hadii uu Wasiirku u jeedo horaanta 2014, isaga ayaa mar kale  cadayn, laakiin hadda kama hayno. Jawaabtaasi waxay u eegtahay mid uu  Wasiirku iskala soo booday oo aan laga fikirin. Geesta kale, ciladda  Baasaaboorka Somaliland loogu dhoofi waayay ma aha in E-passport aanay  samaynin ee waa aqoonsi la’aan. Hadii aanay taas garawsanayn, oo lacag  badan ay ku bixiyaan samaynta E-passports, iyadu na waa jab kale!

 

Geesta kale, waxa xusid mudan, in Dadka Somaliland  u dhashay ay baasaaboorka cusub ee Soomaaliya (E-passport) ka haatan  qaataan. Dadka gudaha degen, iyo kuwa debedaha degen, gaar ahaan wadamada  Carabtu way qaataan baasaaboorka Soomaaliya, waxay se ku qaataan si  dhib badan. Dadka qaarkood diyaaradaha rakaabka qaada ee Soomaaliyeed  ayaa lacagta (passport fees) iyo sawirada ka qaada, baasboorka na u  soo saara. Dadka qaarkood na Garoowe ayay u safraan, ama cid u dirtaan,  sidaas baanay ku soo qaataan. Mar aan Hargeysa joogay 2012 kii, dadkii  duruuftaasi ay soo martay waxay ii sheegeen in qiimaha baasaaboorku  uu ugu kacay ay afar jeer ka badantahay inta qofka kale ee Soomaaliga  ah uu ugu kaco. Kharash safar, adeeg dheeraad ah iyo laaluush ba wuu  jirayaa kol hadii aanu qofku meeshii joogin, taas baana qaali ka dhigaysa.

 

Sidaas in xaalku yahay Wasiir Warancade iyo Wasiiradii kale ee ka  horeeyay ba waa ogyihiin. Baasboorku hadii uu sharci-daro yahay, maalin  kasta waa lagaga dhoofaa madaaradda Somaliland, cid wax u sheegataa  na ma jirto. Sharciga Warancade sheegayaa muxuu dhigayaa? Meesha aad  doonto ka soo qaado, laakiin Hargeysa uun yaan laga qaadanin miyaa?  Midda kale, siyaasiyiinta iyo Wasiiradu ba, xataa kuwooda baasaaboorada  ajnabiga haystaa, kolka ay cimro ama xaj tagayaan, kaas cusub ee Soomaaliya  ayay qaataan, waana xaqiiqo aan shakhsi ahaan u ogahay, dadka badankiisu  na waa ogyihiin ee sharcigu ma masaakiinta Xujaajta ah uun buu qabtaa?

 

Aan idinla wadaago siyaasiyiinta Somaliland midkood,  oo waliba kooxda safka hore ah, baasboor ajnabi na haysta qiso ku dhacday  Xagaagii sanadkii hore (2012) mar uu cimro Sucuudiga u tagi lahaa. Waa  nin aan xog-ogaal u ahay, sheeko wadaag na aanu nahay. Safaaradda Sucuudiga  ee Imaaraadka ayuu fiiso cimro waydiistay, waanay diideen oo waxay yidhaaheen  safaaradda ku taala wadankii baasboorkaaga soo saaray orod tag, oo xagaas  ka soo cimrayso. Ninkii odayga ahaa Hargeysa ayuu tagay, baasaaboorkii  hore ee Soomaaliya oo Hargeysa lagu sameeyo ayaanu qaatay. Baasaaboorkii  waxa loo diray safaaradda Sucuudiga ee Djibouti ku taala, waanay soo  diideen. Waxay yidhaaheen baasaabooradda cusub ee Soomaaliya ayaa loo  baahanyahay, wakhtigii na gabaabsi buu noqday. Isaga oo saaxiibkay ka  fikiraaya sidii uu Garoowe (Puntland) cid ugu diran lahaa, ayaa wakhtigii  cimaradu ba xidhmay. Sheeko qosol leh bay ahayd, aad na waan uga sheekaysanay  ninkaas odayga ah dhibaatada haysata guud ahaan dadwaynaha aan baasboor  ajnabi haysanin, muu se ka garaabin.

 

Xaaladda dhabta ah ee dadka Somaliland ay ku suganyihiin, gaar  ahaan marka ay dhinaca safaradda iyo baasaaboorada timaado, waa mid  aad u dhib badan, waana meelaha ay ka muuqanayso aqoonsi la’aanta  caalamku. Hadaba, sida aan masuuliyiinta Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba  badankood kula sheekaystay, Somaliland waxa la gudboon, in aanay mar  qudha uun sidii bahalkii biriijka ka dhacay iska baraarugin ee ay arintan  hoos u eegaan. Tusaale ahaan, hadii lagu heshiiyay in hawada la wada  maamulo, oo aqoonsiga iyo sharcigii hawo-marista ee Soomaaliya ee UN  tu ogoshahay lagu dhaqmo, xafiis na Hargeysa laga furo, maxaa diidaaya  in la hir galiyo hab baasaaboor wada jir ah na lagu soo wada saaro ilaa  inta dhan uun loo kala dhacaayo?

 

Al-muhim, runtu waxay tahay, arimaha qaarkood kuma  xalismi karaan waanu diidnay oo kaliya. Hadii E-passport ka la diido  in Hargeysa laga bixiyo, wax qorshe ah oo kale na la keeni waayo, waxad  ogolaanaysaan in aad afar-lab lacag ka badan intii caadiga ahayd kaga  doonataan Garoowe, waana sida haatan dahcda. Waa sida siyaasi, ganacsade  iyo shicib ku ba sameeyaan, waan se la isu sheegin.

 

  • Maxaa qalinku sheekiyo.
  • Hadba qodob layaab liyo.
  • Ma hadhooyin qorayaa. (Hadraawi)

 

Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com

Comments are closed