|

Saxaafada Dawladdu Ma aha Tii Aad Moodaysay By: Cumar M.Faarax

Waxa ayaan darro ah in C/raxmaan Cadami oo ah nin xog ogaal ah isla markaana xilal kala duwan dalka ka soo qabtay  inuu si indho isku qabad ah  maanta saxaafadda qaranka ugu  nisbeeyo tii naasiga iyo shuuciga oo kale. Isagoo yaqiinsan   sidii xukuumaddii hore ee  Daahir Rayaale  ee uu ka tirsanaa ay u isticmaali jirtay saxaafadda qaranka oo ay ka dhigtay mid leh sifeyaashii kuwa maanta uu ku eedaynayo  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo furfurnaansho xad dhaaf ah iyo madax banaani taam ah siisay saxaafadda qaranku inay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee ay bulshadda u hayaan.

QoridaloolaMaqaal uu Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisii shalay 1830 ee 06/10/2013 ku qoray C/Raxmaan Ismaaciil Xuseen Cadami oo ciwaankiisu ahaa “Warbaahinta Dawladda Somaliland ma dambabasi karto dhaliilaha Xukuumadda”, ayuu si waaqica iyo xaqiiqda ka arradan  u ribeeyay warbaahinta qaranka gaar ahaan Radio Hargeysa iyo Telefishinka qaranka, waxaanu ku eedeeyay inay joogto ka dhigteen inay baahiyaan barnaamijyo  xaqiiqda daboolka lagu saarayo oo lagu owdayo wax uu ku tilmaamay dhaliilaha  xukuumadda.

C/Raxmaan Cadami Maqaalkiisa waxa ka muuqday  inuu ka indho-qabsanayo cahdigii Rayaale oo uu ka ahaa Guddoomiyaha Ha’yadda shaqaalaha dawladda, waxay ahayd mid ku suntanayd inay sifo sharciga ka baxsan u adeegsato qalabka warbaahinta ee wasaaradda warfaafintu maamusho. Waxa la gaadhay in laga baahiyo Radio Hargeysa  warar iyo dacaayado raqiis ah oo qarranimadda sawir taban ka bixinayay oo ahaa in xubno ka mid ah siyaasiyiintii mucaaridka ee xisbiga KULMIYE ay gacan saar la leeyihiin kooxaha  Argagixisadda iyo xag-jireyaasha Soomaaliya.

Maalmahaas oo C/Raxmaan Cadami awood maamul lahaa, marka uu ugu yar yahayna  uu tallo ka bixin karayay qorshahaas dhegaraysnaa iyo dhaqankaas gurracnaa. Waxaan u malaynayaa inuu dhego-la’aa ama uu si kaleba koomo siyaasadeed ugu jiray. Haddii aan u soo noqdo 1080-kii  maalmood ama haddii aan si kale u idhaahdo sadexdii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka waaxda fulinta ee Somaliland haysay marna may dhicin in warbaahinta qaranku ay fool-xumooyin noocaas oo kale ahi ka dhacaan.

May dhicin in Goleyaasha sharci dejinta ee dalka warkooda laga baahin waayo qalabka warbaahinta ee xukuumaddu maamusho. Sidoo kale, maynu arag in inta odayaal la soo fadhiisiyo la yidhaahdo reer hebel magaaladda Hargeysa ha ka baxaan. Waxaan qabaa in dhaliilo ha jireene’ , laakiin  dhaqankaas kakan ee xukuumadii C/Raxmaan Cadami mansabka weyn ka hayay ay u macaamili jirtay laga suuliyay saxaafadda qaranka. Waxa habboon in Mr. Cadami Hadaladiisa shaandhada mariyo isla markaana halbeeg uga dhigo dhacdooyinkii xusuusta bulshadda ka bixi waayay ee  hawl-wadeenada xariirta ah ee warbaahinta qaranka ay u yeedhin jireen kooxihii dhinaca baro-bagaandada u qaabilsanaa xukuumaddii Rayaale. Markaa aan ninkaas odayga ah ku idhaahdo “Saxaafadda qaranku ma aha, tii aad moodaysay”

Waxa  iyana xusid mudan in aanay xukuumadda Somaliland  wax cuqdad ah ka qabin in wixii dhaliil ah ee wax toosinaya laga baahiyo saxaafadda qaranka.

Waxa kale oo ay aaminsan tahay in saxaafadda madaxa banaani ay korto oo kaalin gasho. Mana jirto wax dedaal ah oo ay ku bixiso inay af-qabato saxaafadda madaxa banaan oo ay aaminsan tahay inay ka mid tahay tiirarka dawladnimadda bilaya ee dalku leeyahay.

Sadexdaas sanadood ee xukuumadda maanta tallada haysaa ay xilka haysay waxa C/Raxmaan Cadami u biyaystay inuu si joogto ah u naqdiyo xukuumadda.

Mararka qaarkood waxa uu u jeediyaa tallooyin wax ku ool ah, hase yeeshee qoraaladiisu inta badan waa kuwo u muuqda is-muujin iyo in dawladdu ay ka war hesho in C/Raxmaan C/raxmaan Cadami joogo. Nin dhalinyaro ah oo maalin maalmaha ka mid ah  wargeysyadda dalka ka soo baxa ku akhriyay xarunta TELSOM ee suuqa dhexe ee caasimadda Hargeysa horteeda , ayaa faaqiday qoraalo xidhiidh ah oo uu C/Raxmaan Cadami ku qoray wargeyska WAAHEEN xiliyaddii xukuumaddu ku jirtay sanad iyo badhkii ugu horeeyay, waxaanu yidhi “Waar oday C/Raxmaan Cadami daal oo maalin walba waakan wargeysyada ku sawirane’, yaa Madaxweynaha nooga geeya xil yar oo uu ku saalaax weeteeyo ha nooga dhiibee.

Tiraabta wiilkaas yar ayaa waxa sii faaqiday mid ka mid ah barbaarta  oo goobta taagnaa, waxaanu kaga dareen celiyay qoraallada C/Raxmaan Cadami kalmado kooban oo uu ku cabiray inay daaran yihiin fariimaha Cadami, waxaanu yidhi “Waar haddii uu odaygu mucaarid yahay xisbiyada mucaaridka ayuu geli lahaaye, waa shaqo doon oo madaxweynaha iyo xukuumadda ayuu doonayaa inuu maqaallo dhegaha kaga qabsado.” Intaas 17-jirkaasi  gartay uma dhaafayo C/Raxmaan Caddami, waxase aan qoraalkan ugu soo khatimi lahaa “Lagu arag inaad joogtee ha is biyo dhicin.”

Comments are closed