|

Madaxweynaha Somaliland Oo Isla Caawa Qallinka ku duugay Dhaqan-galka Xeerkii Takaaliifta Waddooyinka

Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada kuna saxeexan yahay  Afhayeenka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha J.S.land uu dhaqan galiyay Xeerka Takaaliifta Horumarinta Wadooyinka

Madaxweyne-axmed-SiilaanyoWarsaxaafadeedka ayaa u dhignaa Sidan : Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013      ku  dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:    Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:    Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-  22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xeerkan ayaa Golaha Wakiiladu ay Maanta Cod aqlabiyad leh ku Meel mariyeen ansixintiisa .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed