Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo Shaaca ka qaaday inay ka Guulaysteen Kooxdii Argagixisada ahayd
Nairobi 24.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo caawa shirjaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in Kenya ay ka guulaysatay agagixisadii soo weerartay xarun laga dukaameysto ee ku taalla bartamaha caasimadda Kenya ee Westgate Shopping Mall.
Uhuru ayaa sheegay in uu fuliyay wacadkii uu ka qaaday shacabka Kenya oo ahaa in la jabiyo argagixisada ku sugnayd xarunta Westgate, isagoo guushan uga mahad-celiyay ciidanka ammaanka oo uu sheegay in ay muujiyeen geesinimo.
Wuxuu sheegay in hawlgalkii ugu dambeeyay lagu dilay shan katirsanaa kooxdii weerarka soo qaaday, gacantana lagu hayo 11 kale oo la tuhunsanyahay, isagoo sheegay in ay ku jiraan muwaadiniin u dhalatay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka iyo kuwo kale oo ay ciidanka baarayaan dhalashooyinkooda.
Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay qaar ka tirsan hoggaamiyasha caalamka oo uu sheegay in intii uu socday hawlgalku in ay garab taagnaayeen, wuxuuna sheegay in shacabka Kenya uu muujiyay midnimo.
Uhuru ayaa ku dhaawaaqay in dalka uu geli-doono saddex maalmood oo boroor-diiq ah hoosna loo dhigi-doono calanka dalka Kenya.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com