|

Ra’isal Wasaare Saacid oo ka Dalbaday Bankiga Barclays inuu ka Laabto Go’aankiisii uu ku Xidhayay Xisaabaadka Xawaaladaha Somalida

Geneva 24.Sep 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid (Shirdoon) ayaa ka codsaday Bankiga Barclays ee xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, in uu ka laabto go’aanka uu ku doonayo in uu 30 bishan ku xiro akoonnada shirkadaha xawaaladaha ee bangiga ku leeyihiin.

Ra'isal wasaare SaacidRaysul wasaaraha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed inta badan noloshooda ku tiirsan tahay adeegga xawilaadaha oo lacago ay ka helaan qaraabadooda ku dhaqan dalalka dibedda.

Wuxuu ugu baaqay Bangiga Barclays in uu ka laabto gebi ahaan go’aankan oo sababi kara dhibaatooyin bini’aadannimo.

Raysul wasaaraha aya tilmaamay in akoonnada xawaaladaha Soomaaliya aan shacabka oo kaliya dhaqaalaha loo soo marsiin, balse ay jiraan hay’addo maxalli ah oo ku xiran kuwa Qaramada Midoobay oo dhaqaalaha loo soo marsiiyo xawaaladaha Soomaalida si gurmad ugu fidiyaan dadka tabaaleysan.

Bangiga Barclays ayaa horay ugu dhawaaqay in uu xerayo akoonnada shirkadaha xawilaadaha uga furan bangiga, taas oo saameyneysa in ka badan 250 hay’ado xawaaladeed ah, oo ay ku jiraan labaatameeyo xawaaladaha Soomaalida ah.

Barclays ayaa sabab uga dhigay go’aankooda in ay jirto cabsi ku aaddan in akoonnadan loo adeegsado dambiyo argagaxiso la xiriira.

Geneva SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed