|

Sharci-dejiyayaasha Maraykanka Oo Madaxweynahooda Cadaadis ku Saaraya Inuu Weeraro Al-shabaab

Washington:24-Sep-2013 (SDN-Xubno ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka, ayaa ku qal qaalinaya madaxweyne Obama inuu qaado weerar ka dhan ah kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia, si looga hor taggo weeraro la mid ah kan West Gate, oo qaarkood laga yaabo inay ka dhacaan gudaha Mareykanka.

seKooxahan sharci-dejiyayaasha ah ayaa  haatan ka fikiraya qorshihii ay madaxweynaha Hordhigi lahayeen.

“Waxaan ka hadleynaa koox argagixiso oo awood leh oo muujiyey inay sameyn karaan weeraro ka baxsan gudaha Somalia, dadna ka qortay Mareykanka” ayuu yidhi Peter King oo ah guddoomiyaha guddiga ka hor tagga argagxisada iyo sirdoonka ee aqalka wakiilada Mareykanka.

“Al-Shabaab ma aha koox sii daciifeysa, ee waa koox awood sii heleysa, waxaana kuu caddeyn kara waxa ka socda Nairobi” ayuu yidhi Tom Coburn oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Ammaanka Gudaha ee Congress-ka Mareykanka.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegaya in weeerarka Al-Shabaab ee West Gate uu yahay mid ay kooxdaas ku muujineyso baaq ah inay damacsan tahay kuwo kasii baaxad weyn.

Dhinaca kale saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegaya in West Gate Mall uu ka mid yahay saddex Mall oo waa weyn oo ku yaalla gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo dowladda Kenya ay uga digeen in ammaankooda uu yahay mid aad u baylahan.

Weerarkan ay kooxda Al shabaab ku ekaysay Xarunta Westgate, ayaa waxa dunida awoodda badan leh ku abuuray cabsi dheeri ah, waxana ay taasi keentay in sharci-dejiyayaashu ku boorriyaan madaxweynahooda inuu ka fikiro waxa laga yeelayo kooxdan is muujisay.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed