|

Masuuliyiin Iraaniyiin ah Oo Sanado Badan ka dib markii Ugu Horraysay Lagu Arkayo Waddan Cadaw u ah

Tehran:24-Sep-2013(SDN)-Wasiirka cusub ee arrimaha Dibadda dalka Iran ayaa ka qeyb gali doona wadahadalo u dhaxeeya lix wadan oo la isku dayayo in looga hadlo arimaha hubka Nuclear-ka ee dalka Iran, waxaana sidasi shaaciyay Madaxa siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton.

javadKulanka oo dhacaya maalinta khamiista ayaa ka dhacaya xarunata Qaramada Midoobay ee New York wuxuuna noqonayaa markii ugu horeysay muddo lix sano ah oo ay kulmaan xog-hayaha arimaha dibada ee Mareykanka iyo wasaarada arimaha dibada ee dalka Iran.

 

Waxaana ay tani sahlaysaa suurto galnimada soo laabashada xidhiidhka Mareykanka iyo dowlada Iran kaasi oo burburay waxii ka dambeeyay 1979 ee dowladii kacaanka.

 

Catherine Ashton ayaa wariyaasha u sheegtay in kulanka wasiirka arimaha dibada ee Iran Maxamed javad Zarif uu yahay mid ay ka qeyb galayaan US, Russia, China, Britain, France iyo Germany.

 

Kulanka maalinta Khamiis ee u dhaxeeya wadamada reer galbeedka iyo Iran ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay waxii ka dambeeyay bishii April, markaasi oo kulan looga hadlayay arimaha hubka Iran kaasi oo ka dhacay Kazakhstan.

 

Madaxweynaha cusub ee dalka Iran haatan qabsaday Xassan Roxaani, ayaa u muuqda mid diyaar u ah in dalkiisa laga saaro Go’doonka uu caalamka kaga jiro, waxana la filayaa inuu waddanka u horseedo furfurnaan siyaasadeed iyo xidhiidh uu la yeesho dunida kale.

 

Masuuliyiinta dalka Mareykanka ayaa sheegay in xogahayaha arimaha dibada Mareykanka John Kerry uu ka qeyb galayo kulanka, kaasi oo ka calaamadeynaya kulanka rasmiga ee labada dhinac.

 

Somalidiasporanews.com

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed