|

Xukuumadda Oo Ciidan Tiro Badan Dul-dhigtay Xarumaha Mucaaradka Somaliland Ka Deggen yihiin Hargeysa

Hargeysa:24-Sep-2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ayaa ciidan Hubaysan dul dhigtay xarumaha  Xisbiyada Mucaaradku ku leeyihiin Caasimada Hargeysa.

anaanSida ay sheegayaan Xisbiyada Mucaaradku, Ciidamo hubaysan oo ka mid ah kuwa la dagaalama Rabshadaha,  ayaa xalay saacidihii dambe la dul dhigay xarumahooda.

Sidoo kale waxa ay sheegayaan wararka aanu helaynaa inay xukuumaddu ciidamo badan soo dhoobi doono Agagaarka Aqalka wakiillada iyo madaxtooyada, iyadoo aan dadka shacabka ah loo ogollaan doonin inay meelahaas ka dhawaadaan.

Ciidankan la dul geeyey xarumaha Axsaabta qaranka, ayaa  ka dambeeyey  markii xukuumaddu diidday in axsaabtu mudaharaad salmi ah dhigaan, waxana wali ay xukuumaddu ka baqo-qabtaa in xaaladdu faraha ka baxdo.

Waxa subaxan saaka ahaan guud ahaan caasimadda Hargeysa dhexdeeda laga dareemayaa ciidamobadan oo la soo dhoobay goobaha isgoysyada, waxana jira dareen dheeraad ah oo la xidhiidha sababta ciidankan waddooyinka loo geeyey.

Xukuumadda ayaa iyadu il gaar ah ku eegaysa yeedhmadii axsaabta qaranku kaga dalbadeen taageerayaashooda inay muujiyaan dareenkooda ku aaddan xeerkan lagu cabayo dhiiggooda, waxana ay qali qabtaa in ay dhici karto in la mudaharaado.

 

Waa markii ugu horraysay  ee xaraaradda u dhexaysa xukuumadda iyo mucaaradkeena oo lagu xanto habacsanaani ay meel sare gaadho, waxana ay taasi caddaynaysaa in  kooxaha mucaaradka ahi ay haatan u soo biyeysteen sidii ay cududooda mucaaradnimo bulshada ugu soo bandhigaan.

Lama garanayo halka ay ku dambayn doonto xiisaddan kacsan ee u dhaxaysa xukuumadda iyo mucaaradkeeda, waxana haatan ay mucaaradku u muuqdaan kuwa si tartiib-tartiib ah u hananaya quluubta dadka shacabka ah oo haatan niyadoodu ka sii jeedsanayso xukuumaddan u muuqata mid ka urursanaysa maaliyad iyo dhaqaale kaliya.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa\somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed