Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Saacid oo Geneva kaga Qeybgalaya Shirka Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey
Geneva 23 Sep 2013 (SDN)- Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaaladda Geneva ee dalka Switzerland.
Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya kal-fadhiga saddexaad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey oo berri ka furmaya xarunta golahaas.
Wafdi ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka magaaladda Geneve ku soo dhoweeyay Amadeo Perez oo ah Safiirka Switzerland u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey ay ku leedahay Geneva, safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska QM ee Geneva Yusuf Bari-Bari iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas
Ra’isul Wasaare Shirdoon ayaa maanta kulamo gaar gaar ah oo hor-dhac ah la qaadanay mas’uuliyinta ka qeybgaleyso shirka.
Shirdoon ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khudbad dheer oo ka hadlaysa xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya iyo horu-marrada ay dowladdu ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.
Geneva SDN.
Qurbejoog.com