Guurtida Somaliland oo Weli ku dhex Jira Lafo Gurka Siyaasada Arrimaha Gudaha
Hargaysa 23.Sep 2013 (SDN)- Golaha Guurtida ee somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Md siciid jaamac cali ayaa mudanayaashu waxay dood ka yeesheen Siyaasadda arrimaha Gudaha ee dalka.
Mudanayaashii dooda maanta ka qaybqaadanayey ayaa soo jeediyey wax ka qabashada arimo ay ka mid yihiin nabadgelyada caasimadda iyo u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka ee aan weli la qorshayn xilli la qaban doono,
Mudanayaasha qaarkood ayaa soo jeediyay in ka Gole ahaan la dardargaliyo shaqadii Golaha Guurtida ,waxaanay mudanayashu si gaar ah u tilmaamayeen sidii looga hortagi lahaa Aafadda Tahriibta ,loona sugi lahaa xuduudaha dalka si aanay uga soo gudbin cid nabadgalyadeena wax udhimaysa .
Dhinaca kale mudanayaasha qaarkood ayaa dalbaday in golaha uu hor yimaado gudoomiyaha baanka Somaliland si uu uga war bixiyo lacagtii giinbaarta ahayd ee dhawaan laga badlay magaalada ceerigaabo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com