|

Kenya oo sheegtay inay dishay laba ka mid ah Kooxda ku Jirta Xarunta Westgate

Nairobi 23.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph ole Lenku ayaa ku dhawaaqay in laba kamid ah kooxda Al-Shabaab ee ku jirta xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ay dileen, iyadoo uu socda weerar culus oo ciidamada Kenya ay ku badbaadinayaan dadka ay heystaan kooxaha hubeysan.

Joseph ole Lenku ayaa sheegay in laba dagaalyahan ay ciidamadu ku dileen xarunta gudaheeda, isagoo intaas ku daray in inta badan dadka ay afduubka ku heysteen la soo badbaadiyey.

Joseph-oleWasiirka ayaa tilmaamay in howlgalku uu si taxadar leh u socda, uuna qorshaha yahay in dhammaan la heystayaasha la soo badbaadiyo.

Rasaas ayaa wali ka dhaceyso gudaha Westgate, waxaana gubanayo qeyb kamid ah dhismaha oo markii hore qaraxyo laga maqlay, lamana oga waxa sababay dabkan,

Ciidamada ayaa u muuqdo in ay qaadeen howlgalkii ugu dambeeyey ee lagu soo afjaro ismari waagga taagan maalintii saddexaad.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo la yiraahdo Abuu-Cumar ayaa u sheegay telefashanka Al-Jazeera in ay diideen in ay wax wada-xaajood ah ka galaan dadka ay afduubeen.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed