Hawl Gal adag oo ka socda Xarunta West gate Mall,Qaraxyo ka dhacaya iyo filashada dagaal culus
Nairobi 23.Sep 2013 (SDN)- Ciidamada Kenya ayaa ku guda jita wajigii ugu danbeeyay ee soo afjarida howlgalka ay ka wadaan xarunta Westgate Mall,kuna soo badbaadiyaan kooxaha ay afduub ahaan kooxaha argagixisada ah ugu haaystaan xaruntasi. Dhowr qarax oo xoogan iyo rassa is daba joog ah ayaa la maqlayaa gudaha xarunta Westgate Mall,waxana la arkayaa qiic madow oo ka soo baxayaa xaruntasi.
Sidoo kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalka. Waxaana la aaminsan yahay in kooxahaa dagaalamaya adeegsanayaan rasaas culus oo ay iskaga difaacayaan ciidamada dawlada kiiniya iyo kuwa la socda,waxaana halkaas laga maqlayaa rasaas aad u culus.
Kooxda Argagixisada ah ee Meesha ku jirtaa ayaa la sheegayaa inay wali afduub u haystaan dad ajaaniib ah iyo dad u dhashay wadanka Kiiniya,waxaana la sheegayaa inay jiraan dad weerarkan saaka ku dhintey inkastoo aan la xaqiijiin tiradda dhabta ah ee weerarka saaka waxyeeladu ka soo gaartey.
Ugu dambeyntii dawladda kiiniya oo garab ka helaysa wadamo badan oo ay ka mid yihiin Israa’il ,Britain & Mareykanka ayaa u maaro la,koox argagixiso ah oo tiradooda lagu sheegay inaysan ka badneyn 10 ilaa 15 ruux kuwaasi oo si weyn u hubeysan,waxaana maanta tahay maalintii 3-aad ee kooxdaasi si bareer ah uga dagaalamayso gudaha xarunta West gate Mall.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com