|

Xasan Sheekh Oo Tacsiyeeyey Dilkii Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan.

Washington:23-Sep-2013(SDN)-Madaxeweynaha Dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey Dilkii habeenkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay xildhibaan  Xuseen cabdilaahi oo ka mid ahaa Baarlamaanka soomaaliya.

xasan sheekhMadaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday  Allah ha u naxariisee Marxuum   Xuseen C/Salaam” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Allah haka waraabiyo Marxuum Xuseen C/Salaam, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 

“ Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yidhi Madaxweynahu.

 

Ugu  dambeyntii Madaxweynaha ayaa  sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna  ku amray ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

 

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed