“Madaxweynuhu Karaamadii umadda oo dhan buu sitaa, markaasuu khaakh dhaha oo tuuf dhaha leeyahay intuu umad dhan is hortaagay, waana waxa aanu ugu yeedhayno” xildhibaan Mataan.
Hargeysa:23-Sep2013(SDN)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoorre (Mataan) oo ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland, ayaa deedafeeyey Hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo hore u sheegay inaan Goluhu xaq u lahayn inay madaxweynaha u yeedhaan.
Xildhibaan Hoorri oo maalintii shalay waraysi gaar ah siinayey Shabakadda wararka ee Qurbejoog.com, ayaa sidoo kale tilmaamay inaanu Guddoomiye Baashe waxba dheerayn xildhibaanada kale ee uu la mid yahay,” Adeer wuu iska hadlayaa ninkan(Baashe) yidhi looma yeedhi karo madaxweynaha, Baarlamaankana dee ninka Halkaa(shir-guddoonka) soo fadhiyaa Golaha dee kama sarreeyo oo kama madaxsana, waxana halkaas loo geeyey inuu gacanta noo qaybiyo, awood uu isagu gaar u leeyahay oo aan goluhu lahaynina ma jiro,” ayuu yidhi xildhibaan Hoorri.
Sidoo kale waxa uu xildhibaan Mataan ku adkaystay inay Goluhu xaq u leeyihiin inay Madaxweynaha u yeedhaan si ay wax uga waydiiyaan Xilgudashadiisa iyo xaalka dalku meesha uu marayo, waxana uu yidhi, “Madaxweyne aan loo yidhi karinina ma dhici karto, waa loo yeedhayaa waana uu imanayaa khasab baanay ku tahay taasi.”
Xildhibaan Adan MuxumedHoorri Mataan oo aanu wax ka weydiinay Haddii uu madaxweynuhu ajiibi waayo yeedhmada Wakiillada waxa uga meel yaalla, ayaa ku jawaabay, “Madaxweynuhu ma diidi karo Yeedhmada Golaha, Haddii uu ku sii adkaysatana Xil-ka-xayuubin baanu soo Oogaynaa.”
Xildhibaan Hoorri Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “Madaxweynuhu Karaamadii umadda oo dhan buu sitaa, markaasuu khaakh dhaha oo tuuf dhaha leeyahay intuu umad dhan is hortaagay, waana waxa aanu ugu yeedhayno ee leenahay waxa umadda ka jooji haddii kale madax noo noqon maysid.”
Dhinaca kale Xildhibaan Mataan, waxa uu sheegay inay wasiirradii dhawaan dalka dib ugu soo noqday ee sheegay inay shirkadihii shidaalka iyo Ethiopian Airline ay dalka uga baxeen xaalad Nabadgelyo-darro ay uga fadhiyaan inay keenaan caddaynteeda, waxana uu yidhi, “Wasiirro ka hadlayey Garoonka ayaa waxa ay lahaayeen Nabadgelyo darro ayey ugu tagtay ayey lahaayeen, waxana looga baahan yahay inay caddeeyaan ammaan-darradaas ay dalka ku sheegeen.”
Xildhibaan Aadan Muxumed Hoorri mataan oo ka mid ahaa xisbigii la baabi’iyey ee Udub, ayaa haatan ah xubin si adag uga soo horjeedda xukuumaddan maanta jirta, waxana uu ka mid yahay xildhibaano badan oo u biyeystay inay umadda ka joojiyaan xeerka waddooyinka oo shacabka culays badan oo nololeed iyo mid dhaqaaleba ku soo wada, waxana laga yaabaa in xeerkaas Maalinta Berri ah Codayntiisa la iskugu yimaaddo inkastoo shir-guddoonku ku adkaysanayo inay maanta cod u qaadi doonaan.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com