|

Angela Merkel oo dib loogu doortay in ay hogaamiso Jarmalka

Berlin Sept 23,2013(SDN)-Haweeneyda Angela Merkel ee ilaa 2005tii hogaanka u heysay dalka Jarmalka ayaa xilkaa shalay dib loogu doortay.

Waxaase doorashooyinka ku burburay isbaheysigii ka dib kolkii ay xisbigii ay gacan saarka lahaayeen hawada ka baxeen.

Merkel ayaa guushii ugu sareysay mudo 23 sanadooda u soo hoysay Union Bloc taas u suurto gelisay in ay talada qabato markii sedexaad.

Xisbiga haweeneydani ay hogaamiso ayaa helay 41.5 codadkii la dhiibtay taas oo hadii ay afar kursi oo kale ay heli lahaayeen u suurto gelin laheyd aqlibiyad buuxda.

Merkel oo 59 jir ah ayaa waxa ay ka faaiideysatay Dhaqaalaha dalka oo hagaagsan iyo shaqo la’aanta oo aad u hoseysa.

Waana hogaamiyaha kaliya ee reer Yurub ee ka bedbaaday in ay la tagaan dabeylaha siyaasadeed ee ka dhashay dhaqaale burburka ka dhacay Yurub midawgii dabadeed.

Angela Merkel ayaa haatan sidaa ku noqoneysa Haweeneyda dunida ugu awooda badan.

SDN-Berlin
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed