Shabaabka oo weli dad ku heysata Westgate Mall iyo dhimashada oo sii kordheysa
Nairobi Sept 23,2013(SDN)-Waxa weli aan la soo gunaanadin xaaladii ka dhalatay weerar ay sabtidii ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taal magaalada Nairobi kooxda Al Shabaab.
Shabaabka ayaa weli ku heysta dad shacab ah oo aan tiradooda la shaacin westgate Mall.
Dhimashada ayaa sii caga cageyneysa 69 ruux,halka dhaawucuna uu sii marayo 200 oo ruux sida ay Laan qeyrta casi shaacisay.
Dhimashada ayaa la filayaa in ay intaa ka sii badato bacdamaa aan weli la soo gunaanadin.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com