Waar miyaanay ku ceeb ahayn Somaliland in hadana Ethiopian Airways la soo maslaxeeyo damiir miyanu jirin
Waan idin salaamay dhamantiinba. Sidaad la socotaanba waxay dhawaan go’ansatay dawlada Ethiopia inaanay Diyaaradaheedu imanayn madaarka Hargeysa, sabab la xidhiidha baaxad madaarka oon caabiyi Karin diyaaradahooda waaweyn iyo asbaabe kale oo la xidhiidha.
Horta waa marka hore ee waxan loogu yeedho walaalaheena Ethiopia, waxba kama jiraan waayo iyaguba waa kuwi SNM ta ku amray inay wadanka isaga baxaan ama Afweyne isudhiibaan, markii uu Mangiste la heshiiyay Siyaad Bare. Midakale iyagu xaq bay u leeyihiin inay shirkadoodu ogolaato ama diido meesha ay u duulayaan , go’ankoodana iyaga iskale.
Inta kadib maxaa keenay in dhawr casho ka hor ay wafdi wasiira ah oo culusi tagaan Ethiopia iyagoo ka codsanaya in diyaaradoodi markale timaado. Haddii aad arrinta la socotay waxa tegay Wasiirka Arrimaha Dibada, Duulista Hawada, Arrimah gudaha iyo Safiirka u fadhiya Somaliland Ethiopia.
Sida wararka lagu hayo waxay waftigu la kulmeen masuuliyin ka socda Ethiopian Airwaysta, waxanay ka codsadeen inay diyaaradoodu duulimaadkii Hargeysa bilawdoahaa , shirkadiiba ila imikan waxjawaabah may siinin. Horta halka waxa ka cad inuu ku yahay arrinkaasi ceebweyn oo u soo hoyatay Qaranka Somaliland.
Suaa’lkalana aan Madaxda Somaliland in la waydiiyo u baahan waxa ka mid ah, Shirkada Ethiopian Airways mooyane miyaanay cidkale aqoonin . Ta kale, waa haddii ay siyaasadii dibadu sidaa u cekerantahay , go’ankayaga ka noqnmaynana waxba lagu waayay. Waxa la soo gaadhay waqtigii runta la abaari lahaa waayo khayaali siyaasada dibadu 20kii sanee u danbeyay meela lagu gaadhi waa.
Bal, Xitaa maanta dawlada Iraan baa garatay inanay siyaasadan caadifadii aanay meel gaadhayn, imikana diyaar u ah inay la kulman Reer Galbeedka iyo Maraykankaba ay isnebaayeen.
Waxan ku soo afjaraya waar go’adiinkii soconwaa oo xitaa waad arkaysan maanta ceebta idinka gaadhay Ethiopia, bal caqliga ha laga shaqaysiiyo , sidii caalamka wax loola qabsan laha oo looga bixi laha go’doonkana ha laga fekero, haddii taa la garanwaayo waxa lagu danbayn doona ceebahan maanta dhacay oo kale.
Mahadsanidin.
Adan Jama Kahin
Tafatiraha Wargeyska Onkod, UK
Isla markaana ah
Xildhibaan Deegan , Milton keynes.