Koox Suxufiyiin ah oo Hargaysa loogu soo gabo gabeeyay tababar ku wajahan wacyigelinta AIDS-ka
Hargaysa 23.Sep 2013 (SDN)- Agaasimaha Komiishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa labaatan xubnood oo ka kala socday hay’adaha warbaahinta Somaliland waxa uu aqoon isweydaarsi laba cisho socday ugu soo gabo gabeeyay huteelka Imperial ee Magaalada Hargaysa .
Aqoon isweydaarsigan oo lagu baranayay duruus la xidhiidha sidii bulshada looga wacyigelin lahaa Cudurka H.I.V/Aids,Waxaa Xidhitaankiisii ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Solja Maxamed Rashiid Maxamed Faarax,iyo Agaasimaha Barnaamijyada ee Telefishanka Qaranka Xuseen C.laahi Deeqsi iyo Weliba Mas’uuliyiin ka mid ah Komiishanka Xakamaynta Aids oo ka dalbaday Suxufiyiintii ka qayb galay tababarkan inay door muhiim ah ka qaataan sidii bulshada loogu baraarujin lahaa Xanuunkan.
Agaasimaha Komiishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa gabo gabadii u Mahadceliyay Xubnaha Suxufiyiinta ah ee tababarkaas ka qayb qaatay iyo Macallinkii duruusta bixinayay , Waxaanu ka dalbaday in duruustii ay qaateen ay ku dabaqaan xirfadooda shaqo si wacyigelintu u gaadho bulshada inteeda kale.
SDN-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com