|

Uhuru Kenyata:”Weerarkii shalay ee Westgate Mall waxa lagu dilay Ehelkeyga qaar ka mid ah”

Nairobi Sept 22,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Kiinya ayaa waxa uu warbaahinta dalkaasi ka sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall lagu laayay qaar ka mida eheladiisa.

Madaxweynaha ayaa mar uu ka waramayay weerarka Shabaabku ku qaadeen xarunta ganacsiga ayaa sheegay in reer Kinya isku duubnaan ku dhaafi doonaan murugadan qaran.

“Ma aha markii u horeysay ee Kiinya ay bar tilmaansadaan kooxaha argegixisada,horena waan uga guuleysanay guddo iyo dibeddba”ayuu yiri Kenyata.

“Weerarkii shalayna waxa ku dhintay qaar ka mid ah eheladeyda oo ku sugnaa goobta”ayuu madaxweynuhu yiri mar kale.

Weerarka oo kolkii danbe isku bedelay mid afduubasho noqday ayaan ilaa xalalay warar badani ka soo bixin.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed